Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan, ayaa waxa uu ku fashilmay isku day uu ugu goosan lahaa qaarada Yurub.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa waxaa la sheegayaa in isaga iyo qoyskiisa ay diyaarad uga degeen garoonka caalamiga ah ee magaalada Amsterdam ee dalka Holland iyada oo kadibna ay qabteen saraakiisha waaxda socdaalka dalkaasi.
Safiirka oo doonanay in uu iska dhiibo qaarada Yurub kadib markii uu maqlay in shaqa joojin lagu sameynayo ayaa waxa uu diyaarada uu uga degay Holland ka raacay magaalada Attens ee dalka Gariigga.
Qabashadiisa kadib ayaa waxaa wararku sheegayaan in dib loogu soo celiyay diyaradii uu la socay taas oo ugu danbeyn kasoo dejisay dalka Turkiga.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa la sheegay in ay geedigiisa ku wehliyeen xaaskiisa, lix caruuur ah oo uu dhalay iyo laba caruur ah oo kale oo ay ehel ahaayeen.
Safiirku wali kama hadlin geediga ka fashilmay, hasa yeeshee waxaa jira warar waayahaan leesla dhex marayay oo ahaa in safiirka xilka laga qaadi doono.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
