Sida sharciga islaamka ku soo aroortay ninka xaaskiisa wax kasta oo
uu ku raaxaysan karo waa ku samayn karaa wixii daliil khaas ah ku soo
arooray mooyee,
Allaah wuxuu yiri { نساؤكم حرث لكم فأتوا حرثكم أنى شئتم } (Naagihiina
waa beerihiina ugu taga beerihiina saad doontaan ) Alle wuxuu kaloo yiri
:
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ* إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ
أوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
((mu’miniinta) waa kuwa ilaaliya farjigooda xaaskooda mooye iyo wixii
gacantooda xanatay oo addoon ah,dadka doona arrinkaas wixii ka soo
haray waa kuwa xadgudbay)
marka xaaska wax kasta raaxaysi ah waad ku samayn kartaa istiin sheeko
galmo Alle ayaa kuu banneeyey, marka waxaa isweydiin mudan ma
bannaantahay ninka inuu xaaskiisa taleefan ugu raaxeeyo ?
Culimo qaarooda waxay dheheen haddii uu hadalkeeda ku gudan karo uuna
u baahanaynin gacantiisa way bannaantahay laakin haddii uu u baahdo
inuu gacantiisa isticmaalo ma u bannaana waa seego culimada qaarkooda
waxay eegeen haddii qofka uu ka fogyahay oo ka baqayo inuu sino ku dhaco
waa samayn karaa raaxada taleefanka xitaa haddii uu gacanta ku
dhamaystirto maxaayeelay madaahibta islaamiga qaar baa qaba haddii qofka
uu ka baqo sino inuu biyaha iska bixin karo waxaana laga wariyay imaam
axmad,
-->
Caalimka la oran jiray ibn xazm isaga seegada wuu banneyeyba wuxuu
daliilsaday وقد فصل لكم ما حرم عليكم (Alle waa idin faahfaahiyey waxa uu
idinka xarrimay)
Su’aashan waxaa la weydiiyay Sheekh ibn cuthaymiin wuxuu ku jawaabay
waa banaantahay qofka inuu ugu raaxeeyoo xaaskiisa taleefanka laakin
inuu gacantiisa adeegsado ma u bannaana haddii uu sino ka baqo mooyee.
marka waxaan kaloon ku dari lahaa qofka la sheekaysanayo xaaskiisa waa
inuu iska jiraa taleefanka maxaayeelay waxaa laga yaabaa ina la din
dhegeyso.
Xigasho : Raxaada
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
