Xiriirkasta
oo ka dhexeeya laba isqabta iyo laba isjecel wuxuu u baahan yahay in sida ukuntii
oo kale loo dhowro,sida ubixii oo kale loo waraabiyo,islamarkaana laga ilaaliyo
inuusan wiiqin.
Isbedelada
nolosha iyo cimiladuba bini aadamka wax cusub oo hor leh ayuu ka bartaa. hadii
aad aaminsan tahay in qof ku jecel uusan isbedel ku imaan karin waad qaldan
tahay, waxwalba sidooda ma ahaan karaa oo waxey u baahan yihiin boor ka jafid
iyo dib u soo nooleyn.
Waxaa
marwalbo la arkaa dad aad isku jeclaa oo hadana iyadoo aan cidna soo kala
dhexgelin isku caajisa. weligaa ma isweydiisay maxaa u sabab ah arimahaas oo
dhan. hadaba waxaan kuu heynaay talooyin ku anfici doona Marwo.
Noqo
mid maqasha oo dhageysata hadaladiisa marka uu kula wadaagayo rabitaankiisa
gudaha, waxa uu ka helo, cabsidiisa iyo dhamaan wuxuu xiiseeyo kadib waxaan
waxaad ogaaneysaa waxa uu aadka uga helo.
U
samee cunooyinka uu aadka u jecelyahay,adigoo mararka qaar lama filaan uga
dhigaayo cunada uu aadka u xiiseeyo.
U
dhig meel uu si fudud uga arki karo fariimo yar yar oo aad ugu muujineyso
sidaad u jeceshahay hadey ahaan laheyd geeraar yar, buraanbur, hees ama hadalo
kookooban, hadii aad sidaasi sameyso maalintaas oo dhan adiga ayuu kugu riyoon
doonaa cidkalena lagama yaabo inuu ka fikiro.
Abuuritaanka
jewi fiican si gaar ah dareensii inuu yahay shaqsi muhiim ah oo la koolkoolinaayo
lana qaado waqti aad u xiiso badan si indhihiisa aaney cid kale u arkin.
Sii
fursado aad ku soo wareegtaan magaalada si aad u wada qaadataan hawo macaan,si
aad u qoto qof uu ku faano oo gacanqabsi dadka horteeda uu la maro.
Waa
inaad lahaatiin baaqyo idiin gaar ah aad wadaagtaan oo ay ka buuxaan ereyo soo
jiidasho.
Noqo
qof daacad ah, iskana ilaali iney caado kuu noqoto been,noqo qof ku dhiirata oo
aan la gamban runta.
Ragga
badankood aad ayey u jecel yihiin in la amaano,xitaa hadii aysan markaas kuu
mahadcelin waxaa hubaal ayay newbanaadir ku leedahay ah in ereyadii aad ku
amaantay ay qalbigooda ku soo noqnoqoto farxad iyo yididiilooyina ay siiso. ku
amaan xitaa howlo yar oo uu qabtay dareensiina ahmiyada ay xagaaga ka leedahay
waxyaabaha aad ku amaantay.
Fardowsa
Maxamed Cabdulle
fardowsatina@yahoo.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
