Waxaa
badan in laga hadlo caruusada quruxdeeda iyo isdiyaarinteeda, dadku aad ayey
uwaaniyaan oo talo badan ayey siiyaan caruusada, laakiin miskiinka cariiska ah
wax la hadla ayuu waayaa, ama waxaa dhici karta in dadku is yiraahdaan caawimo
uma baahna oo wuu isdabari karaa, waxayse iloobeen inuu ubaahanyahay talo iyo
nasteexo.
Waxaan
halkan kuugu soo gudbinayaa nasteexooyin lagu talo siiyo ninka guursanaya,
waxaana ka mid ah.
Arooska
ka hor waxaad sameysaa:
Akhriso
shariicada waxay ka sheegtay guurka, fiqhiga guurka iyo axkaamtiisa, aadaabta,
xaqa lagugu leeyahay iyo xaqa aad leedahay baro, taasi waxay caawisaa in
mashaakilku yaraado.
Buugaagta
ka hadlaysa dumarka nafsiyadooda iyo jirkooda akhriso, si aad ubaratid dumarka
siduu ilaahay u abuuray, waxayna kuu fududaynaysaa sida aad ula dhaqmi lahay
caruusadaada. Waxaana ugu fiican inaad soo iibsatid, hadaadse awoodi waydo soo
amaaho.
Soo
iibi hadiyad wax yar qaali ah si aad caruusada u siisi habeenka ugu horaysa ee
aad aqal galaysid, qolka jiifka markaad kaligiin noqotaana sii. Taasi waxay ka
caawinaysaa in caruusadu walwalka iyo baqdinta haysa ka yaraato.
Todobaad
kahor waxaad sameysaa:
Diyaar
ha kuu ahaado dharka aad xiran lahayd maalinta arooska, iyo udgoonka aad marsan
lahayd.
Ninka
kuu hagaajinaya timaha iyo garka sii balanso xili fiican.
Soo
iibso dharka ugu qurxoon ee aad ku joogi lahad guriga, siiba maalinta ugu
horeeysa waa inuu ahaada bijaamahaagu ka ugu fiican.
Wajigaaga
nadaafadiisa iyo hagaajintiisa sii bilow, inaad subax kasta markaad soo kacdid
ku dhaqdid wajiga sabuunta loogu talagalay wajiga, kadibna marisid kareem loogu
talagalay wajiga. Habeenkiina sidoo kale samaysid.
Udgoon
badan soo iibso si habeen walba caruusadaadu kaaga uriso udgoon ka duwan kii
habeenkii hore. Waxaa la yiri sanku wuxuu ka helo qalbiga ayuu u furaa.
Maalinta
arooska waxaad sameysaa:
Hurdo
fiican oo kugu filan seexo, si aysan kaaga muuqan daal iyo tacab.
Markaad
soo kacdid qubayso, oo jirkaaga oo dhan mari kareem, kadib udgoon marso.
Fariiso
oo naso intaadan bixin, ku fakar maxaad ku oran lahayd caruusadaada?, sideed
qalbigeeda aad ku soo jidataa?, sideed cabsida uga saari doontaa? Sideed
romaantik unoqan lahayd?.
Si
fiican u qadee, sababtoo ah waxaa dhici karta inaadan cashayn markaad aqal
gashid, sababtoo ah haday caruusadu diido inay casheeyso ma cashaynaysaa
kaligaa!! waa maya.
Habeenkii
markaad caruusada kaligaa la noqotid:
Markaad
la kulmaysid caruusadaada ama aad kaxaysanaysid, bisinka akhriso. udhoola
cadee, uqosol, gacanteeda qabso adoo hadal macaan ku oranaya sida ?waan kuu soo
xiisay xabiibti? ama ? adiga hadaan ku helay wax iga maqan aduunka ma jiro?
IWM.
La
soco in caruusadu waxa ay ubaahantahay habeenkaas ay tahay naxariis iyo
xasilooni aad siisid iyo jacayl, markaa ufiirso hadalada iyo taabashadaada.
Guriga
markaad gashaan oo aad kaligiin noqotaan, waxaad siisaa caruusada waxay cabto,
inta ay wax cabayso la hadal oo isku day inaad ka qoslisid ama hadal macaan
maqashiisid.
Dhunko
markaad guriga soo gashaan, u muuji inaad ku faraxsantahay iyada, hadal ahaan
ku muuji, mar walba in yar marka laga soo warego dhunko caruusadaada.
Sii
fursad caruusadaadu inay kaligeed labisato oo isku ka diyaariso, ha oran maxaad
iiga xishoon ninkaagii ayaan ahaye!!!.
Adigana
dharkii kuu diyaarka ahaa xiro, oo udgoonna marso, cashadana soo dhig, soo
fariisi caruusadaada, haday cashada kaa diido inay cunto adiga afka ugu gur
adoo naxariis muujinaya.
Qolka
hurdada markaad kaligiin noqotaan sii hadiyada aad udiyaarisay ee aan soo
sheegnay.
Inta
aydan xaajadiina gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, si
naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh
haday baqayso ama ay walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
