Quruxda iyo Nabada Muqdisho oo indhaha Caalamka soo jiidatay & Qurbo joogtii oo dalka ku yaacday(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Thursday, May 9, 20130 comments


Waxaa sii laba jibaarmay Shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku noolaa Qurbaha ee ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho kuwaas oo gudaha dalka ku soo kordhiyay xirfado kala duwan iyo Ganacsi bulshada aad u anfacay.
  
Dadka Qurbaha ka imaanaya ayaa xiliyadii hore waxa ay aad uga cabsan jireen Colaada ka taagneed magaalada Muqdisho maadaama magaalada ay ahaan jirtay goob maalin kasta Madaafiicda iyo BM-ka la isku weeydaarsado oo waliba gacanta ugu jirtay dhoor maamul oo Siyaasad ahaan is hayay .

Dhismaha ku socda magaalada Muqdisho marka laga soo tago waxaa sidoo kale magaalada Caasimada ah ee Muqdisho si xoowli ah uga socda Mashruucyo ay hir galiyeen Qurba joogta Soomaaliyeed ee Dibadaha wax ku soo bartay.

Shacabkaan oo sii shiday Nolasha magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay maalin kasta ku soo qul qulayaan magaalada Muqdisho kuwaas oo intooda badan ka imaanaya dalalka Ingiriiska, Mareeykanka, Jarmalka, Australia, Canada, France, Norway, Sweden, Finland, Denmark, Talyaaniga, Switzerland, Holland, Turkiga, Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, Malaysia , South Africa, Kenya, Sudan iyo Masar.



Halkaan ka Daawo Muqdisho oo Meel Shidan noqotay soona jiidatay indhaha Caalamka





_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog