Soomaalida
qaxootiga ah ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay soowajahday
midab kala sooc iyo dhibaato baaxad weyn oo ay ku hayaan ciidamada dalka Kenya
arintaas oo keentay inay isaga cararaan dalkaasi
Soomaalidaan
qaxootiga ah oo ahaa kuwo ay faa’iido ku qabeen dowlada iyo dadka reer AKenya
ayaa isaga yaacay dalkaas ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaato baaxad
weyn oo kaga imaanaysa ciidamada dalka Kenya, Muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa
waxaa laga qafaashaa meelaha ay ku nool yihiin aygoona laga qaato lacago badan
oo laaluush ah si ay xoriyadooda ay dib ugu helaan, Sidoo kale ayaa waxaa la
weydiistaa Soomaalidaas inay bixiyaan lacago xad dhaaf ah hadii kale in lagu
shaabadeyn doono inay ka mid yihiin maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, haweenka
qaxootiga Soomaalida ayaa ayagana waxaa loo geystaa kufsasho joogto ah
arimahaas oo dhan ayaa waxay keentay inay qaar badan oo ka mid ah dadka
Soomaalida ay isaga cararaan dalkaas oo ayna dib ugu noqdaan dalkooda.
Ugu
dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas sida aadka ah u badan ay isaga laabteen
dalkaas ayaa waxaa arintaas walaac ka muujiyey qaar ka mid ah ganacsatada
Soomaaliyeed ee dalkaas Kenya iyadoona sida uu sheegay Cumar Axmed oo ah
xoghayaha ganacsatad Soomaaliyeed ee Eastleigh in dadka Soomaaliyeed loola
dhaqmay si xun oo aanan la siinin fursad wanaagsan oo ay si miyir leh ugu
noqdaan dalkooda taas oo keentay inay isaga carareen ganacsigoodii islamarkaana
la tabey maqnaanshaha Soomaalidaas maadaama ay banaanaatey kaalintoodii cid
walbana ay dareentay arintaas.
Hoos Ka Daawo Marxalada Haysata Soomaalida Kenya
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com