Safaarada Dowlada Turkiga ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa dhagxaan waa weyn waxa ay ku goysay Laamiga Xariiriya Isgooska KM-4 iyo kan Tiribuunka ee Magaalada Muqdisho.
Safaarada oo ku taala agagaarka KM-4 ayaa horteeda waxaa lagu jaray oo la dhigay Dhagxaan waa weyn aysan suurto gal aheyn in ay maraan gawaarida Dadweynaha iyo kuwa kale iyadoona Gaadiidkii laamigaasi isticmaali jiray ay dhib ku maraan Wadooyinka Xaafadaha.
Xiritaanka Laamigan ee Safaarada Turkiga Sameesay ayaa timid kadib markii maalmo kahor Weeraro Qaraxyo lagu Weeray Xaruntii Hay’ada Qaramada Midoobay ku laheeday Magaalada Muqdisho iyadoona cabsi arintaasi ka dhalatay hada loo gooyay laamiga Hor mara Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho.
Lama oga in Dowlada Soomaaliya ay wax kala socoto xiritaanka laamigan iyadoona Gawaarida isticmaasha laamigaasi ay hada dhib badan ku qabaan in isticmaalka wadooyinka Xaafadaha oo ah kuwa aad u cariiri ah meelaha qaarna ay biyo fadhiyaan maadama Magaalada uu Roob ka da’ayo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com