Waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi gaar ahaan Hotel Laico xaflada ay ka soo Qeybgaleen Taageerayaasha Jubbaland iyo Puntland laguna kala aragti Duwanaa sida ka muuqatay Qudbooyinkii halkaas laga Jeediyay.
Xafladaan oo erayada laga isticmaalayaya ay ka mid ahayd hadaanahay Beesha kablalax Daarood, waxaana dhiiga u Huraynaa Jubbaland, waxaana kulankaas oo ay ka muuqatay qabyaalad ayaa waxaa ka qeybgalayMadaxweyne Puntland C/raxmaan faroole.
faroole ayaa ka mid ahaa Martidii xafladaas ka soo Qeybgashay waxaana la sheegay in xafladaan ay iskugu jirto soo dhawayn Madaxweyne Faroole iyo Tageerid maamulka lagu muransan yahay ee aduunka uu Aqoonsiga u Diiday ee Jubbaland, ee uu Hogaamiyo Hogaamiye axmed islaam axmed Madoobe.
Siyaasiyiin ka soo Jeeda Kenya gaar ahaan dadka Waqooyi bari iyo kuwa ka soo Jeeda Puntland iyo Gobolada Jubbooyinka, ayaa halkaas ka hadlaya dhamaantoodna waxaa hadaladooda ka muuqatay caadifad Qabiil iyo ku tumasho sharciga Federaalka Soomaaliya.
Madax siyaasiyiin aqoonyahano ka Tirsan labada Maamul ee Jubbaland iyo Puntland, ayaa halkaas iskugu yimid kuwaas oo hadalkooda ku biyo shubanayay dhaliil ay u Jeedinayaan Dowlada Soomaaliya uguna baaqayaan in ay Aqoonsato Maamulka lagu muransan yahay ee Jubbaland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo halkaas ka hadlay ayaa ugu Hanjabay Dowlada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliya in ay fuliyaan Rabitaanka dadka Jubbooyinka.
“ Xoog Xeelad ayaan ku meel Marinaynaa Rabitaanka shacabka Jubbooyinka, waxaana leeyahay Madaxweynaha iyo Dowlada Federaalka ah ka hor wareega Jubboyinka daadka ka socda yuusan idin qaadin”ayuu ku hanjabay faroole.
Sidoo kale Xafladaan oo socotay mudo kooban ayaa waxay ahayd mid u Jeedaduudu tahay in lagu muujiyo in taageerayaasha Jubbaland ay joogaan Magaalada Nairobi, taasi oo fariin ama Massage u aha kulanka Madaxweyne Xasan uu la yeelan Doono C/raxmaan Faroole.
Mid ka mid ah mas’uuliyiintii ka Qeybgashay kulankaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh aysan dooran Qabiilkiisa Hawiye, taasi oo sacab mar Qura loo wada sacbiyay.
Faroole ayaa taageerayaashiisa waydiiday Cidii wax ka taabatay ama Faraha galisay Dastuurka Maxay mudnaan doontaa, taasi oo ay ka muuqatay hanjabaad, waxa uuna ka dhawaajiyay in Ciqaab adag ay mudnaan Doonto, oo uu ula Jeeday Dowlada Soomaaliya.
Isku soo Duubaa kulankaan oo ay ka soo Qeybgaleen dad gaaraya 200 qof ayaa u muuqday mid lagu Riixayo maamulka IGAD iyo Dowlada ay ka soo hor jeesteen ee uu Hogaamiyo axmed Madoobe.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com