Habkaan u Hano Marwadaada Way Kugu Walici,,Nacas Ha Noqon Niyahow ee Sidan Samee

Monday, January 13, 20140 comments

Qodobadaan waa qodobo si

xasaasi ah aan u soo xulay

ragga soomaaliyeed waa arimo

laga waayay raga

soomaaliyeed waa qodobo hadii

aanu rag nahay agteena ka

fudud balse xusuuusta dumarka

ku qaali ah, waa qodobo ninkii

ku dhaqmaa uu jaceylkiisa

dhidib adag u taagay.

Haddaba waxaan

xusuusinayaaa raga

soomaaliyeed qodobadaani

intooda badan weey ka

baxsanyihiin xiliga haasaawaha, oo waxaan ka hadlayaa waa ninka iyo xaaskiisa,

inkastoo aan kusoo qaadan doono qodobo xiliga lamaanaha la adeegsan karo.

Balse waxaa muhiim ah inaan xasuusiyo lamaanaha xiliga haasaawaha ah ku jiro

ineey ka fogaadaan wax diinta ka baxsan oo aay iskula dhaqmaan wixiii aay ku

dhaqmi lahaayeen naag iyo ninkeeda, waayo waxa koowaad ee lamaanaha

haasaawahooda burburiyo ayaa ah wax aaysan gaarin ayagoo ku hamiyo oo ku

dhaqmo hadaba ka fogoow waxeey diinta kaa xarimtay si xiriirkaaga mid usii jiro

uu u noqdo.

Waxaa la xaqiijiyay lamaane kasta oo isku soo maro sida sharciga diinta in aay

isku waarayaan balse kuwiii xiliga haasaawaha labo isqabto camal u dhaqmayay in

xiligiii aay isguursadaan durba uu burburayo qoyskaasi, yeeysan ila tagin faaladu

aan u daadago qormadeenii aheyd sida ninka xaaslaha ah uu marwadiisa kusoo

jiidan karo.

1:Qodobka koowaad: waxaad ogaataa dumarka ineey jeceylyihiin ninka naxariista u

muujiyo, hadaba sidee ayaad ugu muujin kartaa xaaskaaga naxariis, xiliga fiidkii ah

ee aad daawaneysiin telefeshinka hadii aad caruur leedahay caruurtu xiligaasi

ayagaa isku mashquulsan adigana isku day inaad xaaskaaga mashquuliso oo aad

ku seexiso xabadkaada kuna cayaar timaheeda, indhaheeda sidii qof qashin

kabixinayo u nadiifi, adigoo adeegsanayo farahaada farta ugu dheer, suniyaheeda

u salsallaax sidii qof u toosinayo oo kale.

2:Qodobka labaad :wuxuu yahay in aad xaaskaaga kalkaaliye aad u noqoto

macnaheyga in aad maqribkii markaad soo hoyaneysid aad horay ugu soo gado

wax u fududeynayo shaqada guriga, sida adiga oo habeen soo gado kululeyso,

halka aay cuntada markee kaa qaboowdo habeen walbo aay u kululeyn laheyd,

adigoo nal usoo gado si hadii nalka idiin xirin waqti xun haduu gubto horay aad

ugu badasho, adiga waxyaabaha

dharka lagu dhaqo iyo waxyaabaha jikada maalinba hal hal ugu keenayo, taasina waxeey ku

abuurtaa dumarka kalsooni waayo waxey xaqiiqsaneysaa inaad daryeeshid, daryeelka iyo

kataxadarkana waa qodob aad qaali ugu ah lamaanaha caashaqa.

3:Qodobka sadaxaad :xaaskaaga iyo caruurtaada meesha aad guriga ugu sharaxi aheyd fanaaniin iyo heeso waxaad

ugu sharaxdaa culumo iyo

muxaadarooyinka qoyska, runtii

macaanta nolosha waxey ku jirtaa

arimaha diinteena nafartay ooo lagu

dhaqmo sidaa awgeed xooga saar

inaad xaaskaaga iyo caruurtaada

aad barto diinta islaamka iyo

arimaha qoyska waxey ka tiri.

4:Qodobka Afaraad :oo u danbeeyo

wuxuu yahay in aad sameysataan

xili adiga iyo xaaska idiin gaar ah oo

aad mar walbo ugu sheekeyso

maantay wixii aad magaalada kala

soo kulantay iyo sidii aay shaqada kugu qabsoontay, runtii qodobkaan waa qaali

xaaskaaga oo aad si naxariis leh ugu sheegto arimahaasi qalbigeeda waxaad ka

dhisataaa daartii jaceylka ee aad ebid ku noolaan laheedeeen.

Maantay qodobadaasi intaas ayaan kusoo af xiraysaa www.nabadnews.net inkastoo

aay aad u tiro badanyihiin qodobada ninka raga ahi uu xaaskiisa kusoo jiidan karo,

balse maalin weliba mar ayey www.nabaddoon.com  kusoo qaadan doontaa qodobo ka

turjumayo sida jaceylka adiga iyo lamaanahaada idiin dhaxeeyo loo kordhiyo,

anagoo marna xaga dumarka ka hadli doono marna xaga raga Haduu ALLE idmo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog