Daawo Wasiirka Gaashandhiga “Ciidamadu waxey la safteen Qabiilka”

Thursday, February 13, 20140 comments

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya, Max’ed Sheikh Xasan Xaamud oo ka hor hadlayey Ciidamo ka tirsan DFS ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya ay qaab Qabil u dhisman yihiin.

Max’ed Sh. Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya xiligaan aysan noqon Karin Ciidamo Qaran, Sababtuna ay tahay in Ciidamadu ay Qabiilkii la safteen.

Wasiir Xaamud ayaa Xusay in uu ku Dadaalayo sidii loo soo celin lahaa Ciidamadii Dowladda Soomaaliya oo xili noqday Ciidamada Afrika ugu Caansanaa.

"Ciidamadeenu waxey u dhisanyihiin Qaab Qabiil, Qabiil iyo Qarana isma qabtaan (...) Howl Culus ayaa na hortaala" Ayuu yiri Wasiirka Gaashindhiga.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu Shaqada ka tagayo hadii aan lala Shaqeyn islamrkaana aan la dhisin Ciidamada Qaranka Soomaaliya, oo aan Xaquuqdooda la siin.

Xaamud ayaa intaa ku daray in ay jiraan kooxo Burcad ah oo Xirta dariiska Ciidamada Soomaaliya,k uwaas oo doonaya in ay Dilaan Sharafta Ciidamada Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya uu sheegay in uu Isbadal Muuqda uu ku sameen doono Ciidamada Soomaaliya.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog