Sir Culus: Sidee hubka dowladda uu ku gaara Alshabaab Maxaase ka taqaan shabakadaha isku xiran

Tuesday, February 18, 20140 comments


Xog rasmi ah oo naga soo gaartay ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada, xafiisyada Amisom, iyo Ciidanka nabad Sugida qaran, ayaa cadeynaysaa in hubka la siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya uu sitoos ah iyo si dadban labadaba u gaaro kooxda alshabaab ee dagaalka kula jirta DF ee Soomaaliya.

Waxay xogtani tibaaxaysaa in Laba hab uu ku gaaro hubka dowladu suuqa, ka diba ay ku iibsadaan Alshabaab.

1.Madaxtooyada:

Qayb hubkaan suuqyada soo gaara yaa kasoo baxa bakhaaro ay ledahay madaxtooyada, waana hub asal ahaan ay leeyihiin ciidamada xoogga, waxaana arintaan ku lug leh ninka la dhaho Cabdullahi Macalin Nuur oo ay reer ahaan aad isgu dhawyihiin Madax wayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Ina Macalin Nuur oo ah wiil dhalin yaro ah ayaa wuxuu ka yimid Mareykanka, wuxuuna dowladda ku soo biiray dowlada sanadkii 2010 xiligii Shariif Sh. Axmed ahaa madaxweynaha, wuxuuna noqdey wasiirka madaxtooyada sanadii 2011.

Ninkaan oo ku magacaaban jago sare oo qaybaha saadka ee ciidamada ka mid ah ayaa dhowr jeer waxaa cabasho kasoo gudbiyeen madaxda ciidamada iyaga oo ka cabanaya musuq maasuq balaaran ee ninkaan ku jiro iyo mida ugu daran oo ah in uusan wax amar ah ka qaadaneyn madaxda ka koreysa maadaama uu madax waynaha saaxiib dhow layahay. 

Sida aan xogta ku helnay ninkaan ayaa waxaa uu helay fursad kale oo wayn markii loo xilsaaray hubka dowladu kasoo iibsanayso dibada khaas ahaan wadamada Uganda iyo Ethiopia, waxana jirta in uu lacago badan kasoo aruursho ganacsata hubka kadibna magaca dowlada ugu soo iibsho hub ka nuucyadiisa kale duwan markii uu Xamar keenana sitartiib ah ugu wareejiyo ganac satadaas hubkoodii.!!

2.AMISOM:

Sida ilaha xogtan nasoo gaarsiiyey ay noo adkeeyeen ciidamada AMISOM ayaa iyagu qayb wayn ka ah qorshahan hubka looga gadayo Al-shabab, iyagoo isticmaal xirfad ku cusub Soomaaliya dhinaca hubka. 

Warkan ku eedaynaya dhinaca AMISOM ee hub ka gadashada Al shabaab ayaa lagu ogaadey baariis laga sameyey in hubka AMISOM siiso ciidamada dowlada oo laga tirtiro nambarada,si ay isaga ilaaliyaan in cadeymo loo helo in hub iyaga ka yimid si fudud u galo amaba looga iibiyo kooxaha Alshabaab.

Arintan in qoryaha Lambarada laga tiro ah ayaa sahasha in in uu askarigu ku dhiirado inuu gato qorigiisa, amaba saantir u noqota ku lug lahashana AMISOM ee beecsiga hubka.

Mar aan soo booqanay suuqa hubka ee Xamar oo ku yaala KM5, meel ku dhaw Hotel Amiira , iyo Hotel Safari ayaa waqti ayay nagu qaadatay in nala aamino laakiin kadibna waxa lasoo bandhigay hubka nuucyadiisa kala duwan, ruux iibiya hubka ayaa noo sheegay in la heli karo 40 qori AK47, oo santuuqii lagu soo iibiyey ku jira, dhamaantoodna nambaradi laga soo xoqay. 

Isla markiiba nin aan da’diisa ku qiyaasay 40 jir oo dhar caadiya lebisan ayaa keensaday 2 AK47 nuuca geeslaabka loo yaqaan oo cusub , wuxuuna noo sheegay in iibsadihii in uu ka mid yahay hub ay maalmahaan ay bixineysay Hay'adda Nabad Sugida NISA, waxana lagu iibsadey $1500 . 

Isbahaysiga musuqmaasuqa Hubka la gato!!

.Wararka aan helayno ayaa cadeynaya in ay abuurmeen kooxo isku xirmay oo awood u yeeshay in aan wax laga qaban karin musuq maasuqa baahay ee hub gadashada iyo arima kale oo ku xeeran oo hali ku ah nabad galyada qaranka xiligan. 

Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Jen. Bashiir Goobe Madaxa , Cabdullahi Macalin Nuur oo ah ninka hubka gada iyo Agaasimaha madaxtooyada Taabid, ooay isaga qaraabo hoose yihiin madaxweynaha ayaa noqday saaxiibo wax wada cun leh, islamarkaasna ladhihi karo waxa ay sabab u yihiin cuuryaaminta dowlada Xasan Shiikh Maxamuud. 

Jen. Bashiir Goobe ,iyo labadaan wiil ee ay madax waynaha qaraabada yihiin aadna saamayn ugu leh go'aamada madax waynaha ayaa noqday tuulasha uu isticmaalay madax NISA. General Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kala siiyey labadaan wiil gaari nuuca aan xabadu karin iyo $15000 dollar bishii bedelkeeda Cabdullahi wuxuu u soo iibshaa hubka, iyo dareska ciidamada waxaana ugu dameyey 150 Bastooladood oo wasiirka amiga qaranku kasoo iibshay Yemen, nuuca makaaroof, 14 PKM, 4 dhashiike, iyo 180 AK47, oo NISA lagu soo iibshay lacagta NISA, 9/11/2013, hubkaan oo intiisa badan suuqa laga iibshay. 

Taliyaha Nabad sugidda Jen. Bashiir , wuxuu agaasimaha madaxtooda Taabid ku bixiyaa qarash badan bishii taas bedelkeedana wuxuu u yahay isha aan libiqsan ee Jeneraalka ka madax tooyada u joogta, wuxuuna u sheegaa cid kasta oo madax waynuhu lakulmo iyo sida wax u dheceen.

U gogol xaarka arinkaanina wuxuu galaaftay madixii amaanka ee madax waynaha ahaana qofka keliya ee madax wayne Xasan Shiikh ku kalsoonaa Cabdixakiim Farey, oo cayrintiisa ay iska kaashadeen Taabid iyo General Bashiir, gacana ka waayey saaxiibkiis Xasan Shiikh. 











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog