Daawo Sawirada Diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo la afduubtay, xoogna loogu dajiyay Magaalada Geneva

Tuesday, February 18, 20140 comments

Itoobiyaan_air_1Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa la sheegay in saaka la qafaashay xili ay kasoo duushay Airporka Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Diyaaradan ayaa lagu dajiyey Airporka Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana wakhti kooban la xiray gebi ahaan dhaq dhaqaaqii duulimaadka ee Airporka Geneva.

Warar goor dhaw soo baxaya ayaa sheegay in diyaaradan uu si lama filaan ah ulla wareegay kuxigeenkii Kabtankii (duuliyihii 2aad) diyaarada waday, kaasi oo la sheegay inuu ka faa’iideystay inuu la wareego diyaarada xili Kabtankii diyaarada ku jiray mushaqusha (suuliga) Diyaarada.

Kuxigeenka Kabtanka ayaa la sheegay inuu hoosta kasoo xirtay qorlka diyaarada laga wado kadibna diyaarada kasoo dejiyey airporka Geneva, isagoo kadib isu dhiibay ciidamada Airporka magaalada Geneva. Duuliyahan ayaa la sheegay inuu magangelyo weydiistay dowlada Switzerland














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog