Daawo Video: Fanaanada Soomaaliyeed ee Hani Uk oo Sheegtay inay dar alle isaga daysay fanka ay ku Jirtay

Saturday, February 8, 20140 comments

Fanaanada caanka ah ee Hani Uk oo ka mid ah fanaaniinta cusub ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed sida aadka ah ay u jecel yihiin ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba ay isaga baxday fanka iyo heesaha iyadoona sheegtay inay dar alle ay isaga daysay fanka. 

Fanaanada Hani Shariif Macruuf oo loo yaqaan Hani Uk ayaa waxay markii ugu horeysay ay shaacisay inay gebi ahaanba ay ka fariisatay fanka iyo heesahii ay qaadi jirtey, Fanaanada Hani Uk oo wareysi siisay warbaahinta ayaa waxay sheegtay inay joojisay gebi ahaanba oo ay ka baxday fankii ay ku jiri jirtey ayadoona sheegtay inay markii horeba ay si fudud ay ku gashay heesaha laakiinse ay hada go'aansatey inay isaga baxdo fanka oo dhan. fanaanada ayaa waxay sheegtay inay dar alle ay u dhaaftey oo ay uga hartey faankii ay ku jiri jirte.y 

Ugu dambeyntiina iyadooo fanaanadaas Hani Uk ay joojisay gebi ahaanba heesaha iyo fankii ay ku jirtey ayey waxaa kale oo ay codsi u dirtey guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa wali dhageysta heesaheeda oo ay ka codsatey inay joojiyaan arintyaas ayadoo sidoo kalena ka codsatey Soomaalida heesaheeda videoga ah soo galiyey youtubka inay ka saaraan heeashaas maadaama ay gebi ahaanba ay ka baxday fanka, Fanaanada Hani Uk oo mudo kooban ku jirtey fanka iyo heesaha ayaa waxay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ee ku soo batey fanka iyadoona fanaaniintaas oo aan badankood lahayn qibrad iyo xirfad fanaanimo ay inta badan qaadaan ama ay ku luuqeeyaan heeso horey loo qaaday gaar ahaana heesihii la qaadi jirey xilligii barisamaadka oo uu jirey dalka Soomaaliya. 




Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog