Meelaha Internet Caffe- ee magalada mugdisho oo ka faaidestay kadib markii shirkada Hormuud oo xanibtay inrterneedka(Shacabka oo u xanaqsan shirkada Hormuud)…

Monday, February 10, 20140 comments

Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa macaamiil badan helay kana macaashay Amarkii Xarakada Al-Shabaab kusoo rogeen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka goobaha Internet Caffe-yadda kuyaala Magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Gobolada Dalka Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwa aad u isticmaali jiray adeegyada Internetka ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ,taa ay kaga maarmeen in ay tagana goobaha internet Caffe-yadda.

Marka aad tagto goobaha internet Caffe-yadda kuyaala Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan ah kuwa aad mashquul ah , Waxaana macaamiisha cusub ay hada heleen internet Caffe-yadda yihiin kuwii Internetka ka isticmaali jiray Moobelada.

Dadka hada buux dhaafiyay Goobaha internet Caffe-yadda ayaa ah kuwa halkaasi kala sheekeesanaya asxaabtooda kunool Caalamka iyo kuwa kala soconaya aqbaaraadka kala duwan ee lagu qoro Websetyada.

Qaar kamid ah Milkiilayaasha internet Caffe-yadda kuyaala Muqdisho ayaa u arka Go’aanka AL-Shabaab ku joojiyeen Adeegyadii Internetka ay bixin jireen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka mid iyaga dan iyo macaash badan ugu jirta kuna heleen Macaamiil fara badan aysan horey u heesan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa faa’iido badan ku qabay adeega Internetka ee laga dhax isticmaali jiray Moobeelada , waxa ayna dadku kula xariiri jireen adeegaasi iyaga oo guryahooda jooga asxaabtooda Daafaha dunida ku sugan ,waxa kale ay kala socon jireen aqbaaraadka kala duwan ee ka dhaca gudaha iyo Dibada.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog