Wiil yar oo 4-Sano Jir Siiriyaan ah oo laga helay meel saxaro ah Xili uu kaligiis qaxayay (Daawo Sawirada)

Monday, February 24, 20140 comments

Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhigayay Muuqaalo laga soo qaaday Wiil yar oo afar sano Jir Siiriyaan ah kaa ay kala lumeen qoyskiisa xili dagaalo culus ay ka dhacayeen Magaalo ay dagnaayeen.

Wiilkan yar ayaa lagu Magacaabaa Marwaan waxa uuna kaligiis kasoo qaxay Magaaladii ay dagnayaeen qoyskiisa kadib markii ay kala lumeen , Wiilkan yar ayaa watay bac ay alaab yar ku jirto waxa uuna dhul saxaro ah kaligiis ku lugeenayay Saacado aad u badan.

Shaqaalo katirsan Hay'ada Qaramada Midoobay ayaa wiilkan yar waxa ay ka heleen meel ku dhaw Xadka ay wadaagaan Wadamada Siiriya iyo Jordan , waxa ayna markii dambe keeneen xero qaxooti oo kutaala Wadanka Jordan.

Wiilkan yar ayaa la arkay isaga oo oynaya gacantana ku wata Bac Maalintii shalay oo Isniin aheed , Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaana geeyay Xero qaxooti ay ku jiraan kumanaan Siiriyaan halkaas ay isku heleen Wiilkan yar iyo Hooyadiis.

Hooyada Dhashay Marwan ayaa sheegtay in Wiilkeeda yar ay kala lumeen xili dagaal culus uu kasocday Magaalada ay dagnaayeen , waxa ayna intaasi raacisay hooyadan in ay u qaadatay in wiilkeeda yar uuba dhintay.

Wiilkan yar ayaa sheegay in jidka kula soo kulmay dad iyana kasoo qaxayada Dagaalada kasocda Dalka Siiriya balse uu dadkaasi ka waayay qof saacida oo horey usoo kaxeysa.

Dagaalka Wali kasocda Dalka Siiriya waxaa ku dhintay dad gaaraya 130,000 waxaa sidoo kale ku barakacay dad kor u dhaafaya 2.5 million, kuwaa oo inta badan kusugan xeryo qaxooti oo laga dhisay qaar kamid ah Wadamada xadka la wadaaga Dalka Siiriya.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog