Sir: Dumarka Ma Cafiyaan Raggooda Markii Xusuusta Nuucaan ah arkaan

Tuesday, February 18, 20140 comments

Waxyaaba badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta badan ragooda uma sheegaan waxa ayna door bidaan in ninka iskiisa u garto arimahaas , waxa ayna u soo bandhigeyn iyaga oo ka baqaya in tashwiish uu ku furo xariirkooda, hadaba newbanaadir.com ayaa ku sheegeysaa arimahaas .

Ninka Is Mahdiya: waa isaga oo is cajabiyay qaab waliba isuna arka in haweenka uu ku qasbi karo in jaceylkiisa uu ku dhaco, arintaan haweenka aad ayay uga caroodaan balse waa ay qarsadaan iyaga oo ka cararaya in bur bur qoys keento .

Kan Ka Beensheega Dareenkiisa: haweeneyda wax waliba ninka waa ka cafisaa marka laga reebo kan ka been sheegidda dareenkiisa. haweeneyda waa ay garaneysa marka ninkeedu leeyahay waan ku jeclahay in uu ula jeedo raali gilinteeda xiligaas ama ay ka tahay dareen dhab ah oo ka imaanaya xagiisa, ogoow haweenka waligood ma ilaawaan ninka ka been sheega dareemahiisa.

Garaacista Iyo Cayda (Aflagaado): Haweeneyda hal hal ayay u xasuusnaataa xumeynta ninka uu ku sameeyay intii lagu guda jiray waqtigii mushaakilaadka iyo qilaafaadka qoyska , ogaaw ninka si waliba oo uu uga cudur daarto una raali giliyo ma ilaawaan cayda iyo garaciista , waana xanuun mar waliba ay dib u soo kocoto.

Yasmada Ama Xaqiraada Ehelkeeda: Arimo badan ayay hawaneeyda ka saamaxdaa ninkeeda balse waa ay ku adag tahay yasidda iyo bahdlidda iyada lagu sameeyo ama qoyskeeda in si sahal ah ku cafiso ogoow haweeneyda waxa ay jecashay ninka ixtiraama iyada iyo ehelkeeda.

Awood Siinta Iyo Ka Qeyb Gilinta Go`aanada Guriga: Haweeneyda wanaag iyo ixtiraam ayay u aragtaa in ninkeeda kala tashato arimo badan oo ay wax ku darsato go`aanada guriga hadii ixtiraamkaas ay weyso waxa ay dareemeysa in ay tahay alaab guriga iska taal ee ninyahoow go`anada noloshiina fursad u sii xaaskaada in ay kaala qeyb qaadato.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog