In lagu guuleysto xariirka qoyska waxa ay u baahan tahay dadaal badan , si aad u noqoto xaas wanaagsan oo lagu daydo waxaa haboon in aad diyaar u noqoto in aad ninkaada dareensiiso jaceylka wax ayna wacdaraha.com ku siineysa talooyin ee si wacan u qaado.
Ahaaw Mid Runleey Ah : Dareemaha runta ah ayaa ah siyaasada ugu fican ee nolosha qoyska , ha adeegsan habka aan qayaxneyn oo ha doonin in ninkaada dareemo waxa adiga maskaxdaada ku jira ee hadii ay jiraan wax ku dhibaya si saraaxad ah ugu sheeg si uu kuu farxad giliyo , balse ha ku dhaganaanin in ninkaada indhahaada aqristo taas waa lagu wareerayaa.
Ahaaw Mid Naxariis Badan : Marka aad labadiina wada joogtaan u muuji jaceylka iyo qadarinta aad u hayso tani farxad ayuu ka sii qaadayaa .
Ku Tix Gili Waxa Uu Dartiin U Qabanayo : Haddi Ninkaada yahay mid maalintii dhan shaqeeya gurigana imaanaya isaga oo daalan dhib ha sii gilin oo ganuunac iyo dalabaad haka hor geyn balse dareensii deganaasho oo hadalo macaan iyo mahad celin ka hor geey .
Diyaar U Ahaaw Tanaasulaad : Mar waliba kuuma suura galeyso in aad hesho wax waliba aad dooneyso , waxaa muhiim in midkiina diyaar u ahaado tanaasulaad si midka kale u raali giliyo si mushkilado looga fogaado.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com