Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in wax yaabaha la isku qurxiyo ay kamid tahay shampada in ay ku jiraan kiimiko taasoo sare u qaadita karta culeeska jirkaaga ama jirkaaga uu buurnaado.
Culimada Scientists oo ka qeeb qaatay daraasataan oo aheed daraasad caafimaad Mount Sinai Medical Center in New York ayaa tilmaamay phthalates oo aah maada kiimikaal oo inta badan laga helo waxyaabaha laga isku qurxiyo ee ka qeeb qaadan karto in ay kordhiso culeeska jirkaaga.
Sida lagu xusay Dailymail, culumada ka qeeb qaadatay warbixintaan ayaa sheegay in 70% wax yaabaha la isku qurxiyo in laga helayo phthalates oo sabab u noqon karto in jirka uu iska difaaci waayoo cayilka ama culeeska qofka oo siyaada.
Warbixintaan ayaa xiriir la leh warbixin uu hore u sameeyay dhaqtar ku shuqul leh arimaha caruurta kaas oo lagu magacaabo Mailda Galvez, dhaqtarkaan ayaa ku sameeyay 330 caruur ah oo ku nool magaalada East Harlem, taas oo markii dambe uu sheegay in phthalates ay tahay mid kordhisa culeeska jirka.
Dr Galvez ayaa soo jeediyay ama ku taliyay in la doorto waxyaabaha la isku qurxiyo kuwa ah organic (organic beauty product) ama la doorto fragrance-free
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com