Daawo Diyaarad lagu halaagsamay oo la shaaciyay in lagu raacay Baasabooro Bug ah & Baaritaan cajiib ah oo socda

Monday, March 10, 20140 comments

Waxaa weli si toos ah loo la yahay raqdii ama Meydadkii in ka badan 239 Rakaab ah oo magaalada Kuala lumpur ee caasimada dalka Malaysia ka raacay Diyaarada lambarkeedu yahay MH-370 taas oo laga leeyahay shirkada Diyaaradaha Malaysia Airlines. 

Diyaaradaan oo ku sii jeeday magaalada Peking ee dalka Shiinaha waxaa mar quraah laga jaray Radaarkii hagayay iyo qadka Telefoonada -diyaaradaan ee ku soo dhacayay shirkada Diyaaradaha Malaysia Airlines. Dadka ama rakaabka saarnaa Diyaaradaan ayaa intooda badan waxeey u dhasheen dalka China. 

Durbadiiba baaritaano ay sameeysay dawlada Malaysia ayaa waxaa la helay in 2 qof ay Diyaaradaan ku raaceen Baasabooro bug ah oo aysan leheen. Waxaa jira shaki weeyn oo tilmaamaya in Diyaaradaan marka hore la afduubay ka dibna la riday. Ciidamada Mariniiska dalka Vietnam oo ka qeeyb qaatay baaritaanka raqdii Diyaaradaan ayaa xeebta dalkooda waxeey ka haleen Saliida ama Shidaalkii Diyaaradaan oo biyaha bada dul sabeenaya taas oo loo fasirtay in Diyaaradaan dadkii saarnaa ay dhamaan ku halaagsameen.



Halkaan Daawo warbixinta Diyaarada lagu halaagsamay & Baasabooro bug ah oo lagu raacay








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog