Deg-Deg: Afhayeenka Cusub ee Gobolka Banaadir oo lagu qasbayo in uu is casilo iyo xog ku aadan sababta ka dambeysa

Monday, March 24, 20140 comments

Warar hoose oon helnay ayaa sheegaya in lagu qasbayo in uu is casilo Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan oo dhawana xilkaasi uu u Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Iscasilaada Afhayeenka Gobolka Banaaadir lagu cadaadinayo ayaa timid sida aan xog ku helnay kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid Beesha uu kasoo jeeda ee Shiiqaal ,kuwaa oo ka careesan in Degmada Kaxda laga saaro liiska Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdi Baasid Maxamed C/raxmaan ayaa warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maalintii sabtida sida aan xogta ku helnay , Afhayeenka ayaana shaqeenayay oo xilkaasi hayay wax kayar isbuuc .

Beesha Shiiqaal ayaa aad uga carootay Go’aan uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Muungaab kaga saaray Degmada Kaxda oo ay degmo u aqoonsatay Dowladii KMG uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xogaha aan helany ayaaa tilmaamay in Afhayeenka lagu qasbay in uu shaqada ka tago , mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan in laga aqbalay is casilaada iyo in kale waxaa sidoo kale wali arintan aan ka hadlin afhayeenka.

Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog