Deg Deg Ah Shariif Xasan oo loo diiday in uu galo Baydhabo iyo Dibad bax looga soo horjeedo oo hada socda

Sunday, March 23, 20140 comments

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano kale oo la socday loo diiday in ay gudaha u galaan Magaalada Baydhabo .

Shariif Xasan Sheekh Aadan icday yo xubnihii lasayaa goordhaw ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Byadhabo , imaatinka Shariif iyo xubnaha lasocda waxaa si aad uga soo horjeesaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban lixda Gobol kuwaa oo ku dadaalaya in Shariif Xasan uusan gudaha u galin Baydhabo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan hada uu ku xayiran yahay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ,waxaana loo diiday in uu gudaha u galo Magaaladaasi uu kasocdo shir uu isagu gadaal ka riixayo oo lagu dhisayo Maamul goboleed ka kooban ilaa sadax gobol.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo galo Magaalada Baydhabo , waxaana dad badan oo careesay ay gubayaan sheegag iyo waxyaabo kale.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale xiray wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Byadhabo , waxaana hada Magaalada Baydhabo laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo salka ku heesa Maamulada isdiidan ee lagu dhisayo Baydhabo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog