Fariin u gaar ah Dumarka Soomaaliyeed: Astaamaha Rasmiga ee ah lagu garto Ninka aan guurka kaa rabin

Monday, March 24, 20140 comments

Af macaanida waa mida ugu badan ee lagu xado qalbiga gabadhaha, hadalada dabacsan ee markasta lagu dhaho gabadha waa mid qalbiga gabadhaha jilciya, intaasna waxaa usii dheer amaanta faraha badan ee gabadhaha lagu harqiyo ilaa laga gaarsiiyo heer ay kala garan waydo in wiilka ay isla socdaan uu xiriirka dhab ka yahay ama uu yahay mid ujeedkiisa yahay gogol dhaaf, Hadaba shabakada newbanaadir.com ayaa idiin soo gudbin doonto astaamaha lagu garto ninka aan guurka kaa rabin .


1. Markasta jecel in aad xirato dhar kuugu dhagan

Ninka markii uu guur kaa doonaya waa nin ka qaada xanaaq hadii uu ku arko adiga oo xiran dhar kuugu yar yar ama soo sawiraya cooradaada waa mid markasta ku dhaha dhar wanaagsan oo waafi ah xiro halka wiilka jecel gogol dhaafka uu kuugu dhiiri galiyo in aad xirato dhar kuugu dhagan ama soo sawiraya cooradada isaga oo ku dhaha “alla maanta waad isoo jiidatay” iyo ” labiskaan quruxdaada ayuu soo saaray” “markii aad xirato dharkaan jirkaaga quruxdiisa waa la dareemaya” iyo hadala badan.

2. Markasta Jecel in uu kuugu balansado meelo cidlo ah

wiilka doonaya gogol dhaaf aan u jeedadiisa aheen wax guur ah waa mid markasta jecel in aad ku kulantaan meelo cidlo ah sida qol ama hotel, waxaana badana dhaca inta aad meel cidlo ah isla wada joogtaan gacan ka hadalkiisa iyo fara ka ciyaarkiisa.

3. Markasta kaaga sheekeeya wax ku saabsan galmada

si uu dareen kuu galiyo kuna gaaryo ujeedkiisa ah gogol dhaafka, waa in uu kuu soo maraa wado uu ku kicin karo dareenkaaga, markasta waa mid jecel in uu kaaga sheekeeyo wax ku saabsan galmada marmarna kaaga dhigo wax caadi ah oo la sameen karo, ruuxaas hadaladiisa waxaa ku badan hadalo dareenka kiciyo.

4. Guurka ayuu ka caga jiidaa

Ruuxa macsi doonka ah waa mid ka caga jiido guurka, mana u diyaarsana in uu kaala hadlo wax ku saabsan guurka, suaalaha qaar ee muhiimka u ah nolosha waa mid soo xirxira, mana ku arki doontid wax ku saabsan horumar mustaqbal.

5. Markii aad ka shakiso waxaad ku arki doontaa dhaar tiro badan

Markii uu wiilka macsida doonka aad ka shikiso ama aad ku aragto wax yaabo badan oo is diidaya waa mid kuugu qanciya dhaar, iskana dhiga mid kuu dhimanaya, kuugu beer jilicsada hadal wanaagsan kaas oo marka dambe kaa dhigaya in aad qanacdo.

intaas oo tilmaamo uu qoraaga Daalac Daahir Shoot soo xulay iyo tilmaamo kale oo badan waa astaamaha lagu garto ruuxa jaceylkiisa beenta yahay, waana u muhiim gabdhaha in ay ku baraarugaan arintaan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog