Fiirso Hodan Abdirahmaan Oo Sheegtay Inay Guurdoon Tahay Iyo Niman Badan Oo U Faruuryo Qaniinsanaya

Saturday, March 29, 20140 comments

Hodan Abdirahmaan ayaa haatan waxay ka mid tahay fanaaniinta loogu jecelyahay fanka Soomaaliyeed, waxaana iska dhalay laba fanaan.hodan fanaanad

Hodan ayaa waayadii ugu dambeeyay soo saaraysay heeso badan oo iska soo daba dhacaya kuwaasoo ay uga hadlayso nafteeda iyo waayo aragnimadeeda. Heesaheedii ugu dambeeyay ayaa laga dhadhansan karaa inay noolasheedu aad u heer sarayso balse kaliya ay tabayso ninkii noolasha la wadaagi lahaa.hodan

Heesaha ay soo saartay ee laga dhandhansan karo in ay doonayso ama ay jeclaan lahayd sidi ay ula kulmi lahayd ninki nolosha la qaybsan laha ayaa waxa ka mid ah heesta magaceda la yidhaah RAJO.


-Waxaa kaloo heeseheda laga dhandhansan karaa in ay fariin ama dhanbaal u marinayso hawada ninka raba in uu jaceyl la qaybsado iyada, sida heesta magaceeda la yidhaah HA I GEYN HOTELADA, oo heesta ereyadeedu ka mid yihin: (Anoo guur ujeedaad adigu gaabsi jeceshahay, ha i geyn hotelada oo ha i seejin gabadhnimo markad iga gun gaadhana durba gooso ha i odhan)

-Waxaa dhici karta in ay la kulanto dhawaan ninkii mustaqbalka guursan lahaa fanaanadan oo dabcan lagu tilaami karo nin nasiib leh, haddaba waxan u rajaynayna fanaanada Hodan Abdirahman in ay guur fiican oo ay nolosheeda ku faraxdo la kulanto, hadii nin fanaan ah ay guursatona ay nolosheedu iyo fankeeduba sii hori mari karaan.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog