War Hadaad Qalbi Jilcan Tahay Ha Akhrin Fariimahaan Jaceyl Ee Muragada Leh : Qaado Ilinteyda Oo Idil !

Saturday, March 29, 20140 comments

*Qaado illinteyda iyo dhamaan xanuunkeyga gadaalna ha usoo fiirin dhibka aad ii geysatay,ii daa in xanuunka kelinimada aan ku noolaado,hana soo fiirinin gadaashaada,hadey ku tahay inaad guuleysatay qaado oo xambaarso baroorteyda,illeyn waad u qalantaa inaad qalbiyada la dhaawacay ku faantee! Ii ogolaaw inaan noolaado.

* Uma qalantid jaceylkeyga xittaa xumaanteyda, Kelinimada ka dhigo wehel,naxariis daradana ha kuu ahaato aasaaska noloshaada, Ku qanacsanaanta qiyaanada ha ahaato farxada noloshaada. Qaado kuli marka laga reebo qalbigeyga.

* Waa I dhaawacday in ka badan dareenkii iyo jaceylkii aan kaa mudnaa. Ma waxaa ugu wacan arintaas jaceylka badan kan aad istaahishay ee aan kuugy deeqay?

*Waxa ay u baahan tahay adeyg in la jeclaado qof,waxaase ka sii daran in qalbigaas la dhaawacay uu mar kale wax sii jeclaado,waan xusuusnaan doonaa weligey keliya ma ahan in aad I niyad jebisay,laakin waa in aad tahay qofka ii sheegay sida loogu noolaado qalbi la jabiyey, Maxaa ku helay? Waxaan kaa bartay dhaqanka.

*Niyadaada kuma soo dhacin miyaa in aad aqbaarteyda hesho,maxaa iska kaa bedelay.

* Ha igu eedeyn dambiyo aad adiga nafteyda ka gashay, maxaad daneyste tahay?

*Ha igu eedeyn aniga qaladaad aad adiga sameysay, newbanaadir.com, Waxaan marwalbo ka baqayay in aan dhaawaco dareenkaaga,laakin ii ogolaaw inaan noolaado. Macaane waxaan dhashay maalintii adiga aan kula kulmay,waxaana dhintay maalintaad iga tagtay.

*Weligey ma dareemin jaceyl,ilaa adiga aan ku arko maahee hadana ma dareemin murugo xaqiiq ah ilaa aad iga tagtay maahe.

* Kala tagu waa qarowga ugu xun,kadib markii ay isoo martay riyadii ugu macaaneyd ee nolosheyda.

* Ma ogolaan karo inaan kuu soo laabto,kadib markii aad i qayaantay aniga.

*Weligey kama shakin daacadnimadaada xitaa daqiiqado yar,webka iska xir hadaad warsahal kaliya in aad qoraalada ka xadid aad rabtid ) waxaa la ii sheegay inaad daneyste tahay oo aad keliya naftaada ka fekerto,laakin aniga taas ma qaadan.

* Sidee iigu sheegeysaa in aad aniga ii nooshahay mar hadiiba aad naftaada keliya in aad qanciso hamigaaga nolosha uu yahay?

* Waan ku arkay adigoo i qaayamay,laakin waxaad ku adkeysaneysaa in aadan qalad iga gelin, sidee loo kasbadaa daacadnimo mar hadii aan indhaheyga ku saaray?

* Markii aan is iri waad wada dhisi kartiin nolol aayotiin wacan leh oo qalbigeyga aan gacanta kaa saaray waxaad na dhex dhigtay masafooyin .

* Qalbigeyga wuxuu la taahanayaa xanuunadii aad u geysatay,adigoon aanan ka fekerin cawaaqibka ka dhalan kara dibindaabyadaada.

* Aniga waan ka baxay noloshaada dhaawacyada iyo cadaadiska badneyd ,mana i arki doontid waqti kale.

*Waxaan rabi lahaa inaad mar dareento waxa aan kuu qabo,haseyeeshee aad ayey kugu adkaatay inaad tijaabiso marxaladaas.

* Hadey kula tahay nafta bini aadamka sida ciyaaraha game-ka waad qaldan tahay xabiibi,naf ku aamintay abaal loogama dhigo qiyaano, Lamana dhaawaco qalbi kuu furay albaabadiisa in aad naxariis kula noolaato,haseyeeshee waqti badan ayey qaadaneysaa dad badan oo qalbiyadooda uu hogaamiyo dhaldhalaalka hore ee indhaha soo jiita.

*Waa xaqiiq weynoo kala dhamaatay ka faa’iideyso xanuunka aan qabo,kuna nooloow farxada qalbi jabkeyga.

Bahda Warsahal ee arimaha qoyska iyo jaceylka dhiira giliya mar waliba waa ka soo horjeedaan qalbiyada la dhaawaco , hanoolaado jaceylka ha jabaan dadka khiyaanada jaceylka sameeya , aqriste waa muhiim fikirkaada ku aadan fariimahaan aan idin soo xulnay

W/Q Fardowsa Maxamed Cabdulle

Fardowsocabdule@gmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog