Fiirso Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sheekhaal oo qaylo Dhaan ka kenay Hadal kasoo Yeeray Muungaab

Friday, March 28, 20140 comments

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sheekhaal ayaa waxaa la sheegay inay eedeyn kulul ay u soo jeediyeen godoomiyaha gobolka Banaadir Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay ku eedeeyeen inuu beesha kula kacay dulmi iyo gardaro ka dib markii uu gudoomiyaha diiday inay degmada Kaxda ka mid tahay degmooyinka gobolka Banaadir. 

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sheekhaal oo dhawaantaan kulan isugu yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxay eedeyn kulul ay u soo jeediyeen gudoomiyaha gobolka Banaadir islamarkaana ah duqa magaalada Muqdisho Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay ku eedeeyeen inuu beesha uu kula kacay dulmi iyo gardaro iyo xaqiraad baaxad weyn ka dib markii uu gudoomiyaha gobolka Banaadir uu dhawaantaan uu ka saarey una diiday gudoomiyaha degmada Kaxda inuu ka qeybgalo kulan uu gudoomiyaha gobolka Banaadir Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu la qaadnaayey gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona gudoomiyihii degmada Kaxda oo soo xaadirey kulankaas laga saarey goobtii islamarkaana loo diiday inuu ka mid noqdo gudoomiyayaasha gobolka Banaadir ee la kulmaayey gudoomiye Muungaab maadaama uusan gudoomiyaha gobolka Banaadir uusan u aqoonsanayn degmada Kaxcda inay tahay degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.


Ugu dambeyntiina iyadoo waxgaradkaas iyo odayaasha ka soo jeeda beesha Shiikhaal ay eedeyntaas u soo jeediyeen gudoomiyaha gobolka Banaadir Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxaa jirey mudooyinkii ugu dambeeyey muran ku aadan arinta ku saabsan inay degmada Kaxda ay tahay degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyadoona madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu degmo u magacaabay degmada Kaxda taas oo ka dhigayso tirada degmooyinka gobolka Banaadir 17 degmo laakiin waxaa arintaas sida muuqata gaashaanka ku dhuftey gudoomiyaha iyo duqa cusub ee magaalada Muqdisho gudoomiye Muungaab. 










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog