Kulan lagu soo dhaweenayay Heshiiskii Xukuumada Soomaaliya iyo Ururka (ILO) oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Friday, March 28, 20140 comments

Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed , Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxay si wada jir ah usoo dhaweynayaan heshiiskii ka dhacay 20ka bisha Maarso 2014 Magaalada Geneva ee Waddanka Switzerland oo lagu hormarinayo shaqaalaha Soomaaliyeed kaasoo ay wada galeen Dawladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) ee hoos taga Qaramada Midoobay, loona yaqaano International Labour Organisation. 

Ujeedada ugu weyn ee heshiiska ayaa waxuu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha iyadoo heshiiska uu Soomaaliya u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, halka Ururka Caalamiga ah ee ILO uu u saxiixay Mudane Aeneas Chapinga Chuma oo ah madaxa Ururka ee qaaradda Afrika. 
Hesiiska waxuu ka kobnaa saddexda qodob ee hoos ku xusan:

1. Xorriyada Ururada Shaqaalaha iyo Kulamada ay isugu yimaadaan

2. Xuquuq siinta qofka shaqaalaha ah

3. La dagaalanka caruurta lagu shaqeeyo ama lashaqaaleeysiiyo

Shirkaan lagu taageerayay Heshiiska ayaa waxaa si wada jir ah usoo qaban qaabiyay labada ururweyne ee matala dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed kuwaasoo kala ah Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (XUSS) iyo Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo waliba Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matala dhammaan loo shaqeeyaha.


Ugu horeyntii shirka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr waxuu yiri
“ Waa guul weyn oo ay gartay Dowladda Soomaaliya muddo 60 sano ka dib in dowladda ay saxiixdo qodobo aasaasi ee xeerka shaqaalaha caalamka. Waa guul usoo hoyatay dhammaan shaqaalaha soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan. waxaan si diiran u soo dhaweeneynaa hesiiskii caalamiga ahaa ee Dowladda Soomaaliya iyo ILO. 


waxaan sidoo kale soo dhaweeneynaa hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo ahaa in Dowladda Soomaaliya ay horumarineyso wadavhadalka, wada tashiga iyo wadashaqeynta saddex geesoodka (tripartire Dialogue) oo u dhexeeya Dowladda, loo Shaqeeyaha iyo Shaqaalaha”. Waxaan balanqaadeynaa in aan si buuxda Dowladda ka shaqeyn doonno arrimaha shaqaalaha iyo sidii uu u dhaqan geli lahaa heshiiskaan”. 

waxaa kaloo shirkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji waxuu yiri
“Sida aan lasocono Shaqaaluhu waa muruqa iyo maskaxda ummadeed ee lagu meel mari karo isla markaasna waa lafdhabarta dhaqan dhaqaale iyo furaha horumarinta dalka, kaasoo saldhig u ah horumar kasta iyo mushtaqbal waddan uu gaaro. Sidaa awgeed Ururada Shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha waxay si wada jir ah u soo dhaweynayaan hesiiskii saddexda qodob ee quseeyay arrimaha shaqaalaha kaa soo Dowladda Soomaaliya iyo ILO ay ku kala saxiixdeen Magaalada Geneva 20ka Maarso 2014.


Waxaa kaloo xusid mudan in shirka uu isaga ka hadlay Agaasimaha Guud ee Rugta Ganagsiga iiyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdi Abshir Dhoor waxuuna yiri: Ánigoo ku hadlaya magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matasha dhammaan loo shaqeeyaha waxaan si aan leex leexad laheyn usoo dhaweeneynaa heshiiskii Geneva ee arrimaha shaqaalaha.

Waxaan cadeeneynaa in aan si buuxda ula shaqeyn doono Ururada matala shaqaalaha Soomaaliyeed iyo waliba Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waa arrin muhiin ah oo loo baahan yahay in laga fakaro, la difaaco, la dhowro lana hormariyo xuquuqda iyo danaha shaqaalaha soomaaliyeed”


Ugu dambeyntii waxaa kalimad shairkasi ka jeeediyay Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) oo ka tirsan Xiriirka Ururada Shaqaalah Soomaaliyeed (XUSS) Mudane Maxamed Ibraahim Pakistan oo bogaadiyay waxqabadka weyn uu Ra’iisul Wasaaraha sameeyay waxuuna soo dhaweeyay heshiiskii Geneva ee arrimaha Shaqaalaha.



Gudoomiyaha FESTU
Mudane Maxamed Abukar Zubeyr
Gudoomiyaha SCTU
Mudane Mohamed Osman Haji
Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed 
Mudane Abdi Abshir Dhoore














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog