Sheekh Cali Dheere oo ku dhawaaqay hadal na nixiyay Dumarka Somaliyed.

Friday, March 28, 20140 comments

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu ku baaqayaa in dumarka ay qayb ka noqdaan, gulufyada ballaaran ee culeyska lagu saaray Deegaanada, ay ka arrimiso Al Shabaab.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab oo la hadlaayay dadka ku dhaqan Deegaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu ugu yeeray in dagaalka laga wada qayb qaato.

Afhayeenka, ayaa si gaar ah dumarka kula dardaarmay in ay ka qayb qaataan dagaalada, oo uu ku sheegay mid ay ku difaacayaan Diinta Alle, markii uu sheegay in loo socdo sidii loo burburin lahaa ku dhaqanka Shareecada Alle.

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii aynaan dumarka ka qayb qaadan difaaca sida uu sheegay Diinta, in hadhow dumarka laga dhigi doono sida uu sheegay Xijaabka, dhalinyaradana xabsiyada laga buuxin doono.

Sheekh Cali Maxamuud Raage, ayaa wuxuu kaloo sheegay inaysan Diinta Islaamka kala lahayn rag iyo dumar sida uu yiri, sidaasi daraadeedna wuxuu dumarka faray in ay kaalintoodu muujiyaan.

Dhanka kale Cali Dheere waxa uu ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, oo Dowladda Somaliya ka caawinaaya la dagaalanka Ururka xiriirka la leh Shabakada Al-Qaacida.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa bishaan oo qura waxay gacanta ku dhigeen Degmooyin muhiim u ahaa Ururka Al Shabaab, oo gaaraaya ilaa 10 Degmo, markii lagu qaaday hawlgalo saf ballaaran leh.

Hadalka ka soo yeeray Cali Dheere, ayaa waxaa loo fasirtay mid muujinaaya sida Shabaabka looga gacan sareeyo dagaalada, ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Midowga Afrika











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog