Sideed arrimood oo lagaaga baahanyahay inaad samayso habeenka aqal galka markaad kaligaa la noqoto caruusada

Thursday, March 20, 20140 comments

Cilaan saaro Markaad la kulmaysid caruusadaada ama aad kaxaysanaysid, bisinka akhriso. udhoola cadee, uqosol, gacanteeda qabso adoo hadal macaan ku oranaya sida waan kuu soo xiisay xabiibti ama adiga hadaan ku helay wax iga maqan aduunka ma jiro IWM.

-La soco in caruusadu waxa ay ubaahantahay habeenkaas ay tahay naxariis iyo xasilooni aad siisid iyo jacayl, markaa ufiirso hadalada iyo taabashadaada. iftineducation

-Guriga markaad gashaan oo aad kaligiin noqotaan, waxaad siisaa caruusada waxay cabto, inta ay wax cabayso la hadal oo isku day inaad ka qoslisid ama hadal macaan maqashiisid.
-Dhunko markaad guriga soo gashaan, u muuji inaad ku faraxsantahay iyada, hadal ahaan ku muuji, mar walba in yar marka laga soo warego dhunko caruusadaada.

-Sii fursad caruusadaadu inay kaligeed labisato oo isku ka diyaariso, ha oran maxaad iiga xishoon ninkaagii ayaan ahaye!!!.
-Adigana dharkii kuu diyaarka ahaa xiro, oo udgoonna marso, cashadana soo dhig, soo fariisi caruusadaada, haday cashada kaa diido inay cunto adiga afka ugu gur adoo naxariis muujinaya.
-Qolka hurdada markaad kaligiin noqotaan sii hadiyada aad udiyaarisay ee aan soo sheegnay.
-Inta aydan xaajadiina gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, newbanaadir.com ayaa ku leh ninyahow si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh haday baqayso ama ay walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog