Hadii hargab ama duray ku hayo, waxaa jira qaabab badan ood iskaga dawayn karto adoon dhakhtar tagin. Hadaba qaar ka mid ah qaababka hargabka la isaga dawayn karo adiga oo gurigaaga jooga ayaan halkan kugu soo gudbineynaa. Hadii aad sida saxdaa u isticmaashaana waad ku guulaysan doonta insha allah.
? Carabkaaga sifiican ugu caday dawada ilkaha maalin walba, Taasi waxay kaa ilaalinasaa hargabku inuu kugu dhaco. Sidaas waxaa yiri oday da’diisu 83 sano tahay, wuxuuna sheegay in uusan hargab ku dhicin ilaa iyo intii uu Qaabkaan bilaabay oo hada laga joogo 27 sano.
?Xabad liindhanaan ah labo u qaybi, milix yar dusha kaga daadi. Ku dhibci sankaaga liindhanaantii aad milixda ku daadisay, inyar bay ku xanuujinasaa laakiin wax wayn bay ka tartaa hargabka.
? 5 xaboo toon ah midiiba 2 qaybood u kala jeex, ku shub koob caano ah oo kari kadib miir ama shaandhee cabna. Maalintii 2 jeer cab. Sidani xitaa waxay aad u caawinasaa qofka burukiitada qaba.
? Isku dar koob malab ah iyo koob barkii oo saliid saytuun ah, qaado ilaa labo qaado cab markiiba. Waxay qoynasaa dhuunta oo qufaca baad kaga roonaan.
? Biyo badan cab, iyo cabitaanka kululba.
?hadaad qufacasid oo cunuhu ku xanuunayo, calasho dhagayare.
? Hadaa qucafasid oo cunuhu ku cuncunayo, qaado subag ah sonkor yar ku dar markaa cab.
? Caano ama maraq fil-fil ku kari oo cab, laba koob maalintii ilaa habeenkii.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
