Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamadii daacada u ahaa Col.Barre Aadan Shire Hiiraale ee ku sugnaa ee Duleedka Magaalada Kismaayo intooda badan in ay isku dhiibeen Maamulka Jubba.
Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Kismaayo waxaa kasocday dadaalo ay wadeen Xukuumada Soomaaliya , Urur Goboleedka IGAD , Taliska AMISOM, kuwaa oo ku dadaalayay sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka Siyaasadeed ee Gobolada Jubooyinka iyo sidii Magaaladaasi loogu soo celin lahaa Ciidamada xooga looga saaray Magaaladaasi.
Shalay galinkii dambe Magaalada Kismaayo waxaa soo gaaray Ciidamo badan oo katirsanaa Milatariga Soomaaliya uu hogaaminayay Col. Barre Hiiraale, kuwaa oo kusugnaa halka loo yaqaan Goob weyn oo kutaala Duleedka Magalaada Kismaayo.
Coll. Barre Hiiraale ayaa shuruudo adag waxa uu kuxiray in dhamaan Ciidankiisa uu soo wareejiyo uuna wadahadal la furo Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe , kuwaa oo dagaal Magaalada Kismaayo uga saaray Barre iyo Ciidankiisa.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD in ay ka dhaadhicinayaan in Col Barre Hiiraale Nabada uu qaato uuna yimaado Magalaada Kismaayo ciidamada uu hayana uu kusoo wareejiyo Maamulka Jubba.
Maamulka Jubba ayaa lasoo sheegayaa in ay ogolaadeen in Col.Barre Hiiraale uu Kimaayo yimaado balse uusan kusii nagaan uu ka aado Magaalada Muqdisho, Barre Hiiraale ayaana si aad ah arintaas uga soo horjeeda doonayana in uu Kismaayo Dago.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
