Daawo Haweeney Soomaaiyeed oo ku nool dalka Mareykank oo la ilmeysay gaajada heysata Soomaalida!

Saturday, April 5, 20140 comments

Haweeney Soomaaiyeed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay la ilmeysay dhibaatada iyo gaajada heysata dadka Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay tahay mid ku reebtay calool xumo iyo uur ku taalo aysan waligeed iloobi doonin iyadoona balan ku qaaday inay arintaas wax ka qaban doonto. 

Haweeneydaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Maryan Jaamac kuna nool magaalada Minneapolis oo dhawaantaan ka qeybgaleysay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ay u sameeyeen wasiirada haweenka Soomaaliyeed Marwo Khadija Maxamed Diiriye ayaa waxay la ilmeysay gaajo iyo darxumo ay ku soo aragtey dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Jowhar oo ay sheegtay inay dadka ku nool magaaladaas ay yihiin dad ku nool gaajo islamarkaana ay heysato darxumo baaxad weyn iyadoona ka codsatey haweenka Soomaaliyeed ee gobolkaas inay dadkaas u gurmadaan una qorsheeyaan lacag joogto ah bil walba. 

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas Soomaaliyeed ay la ooysay dhibka heysta dadka Soomaaliyeed ee ay iyadu indhaaheedu ku soo aragtey ayaa waxaa jira in boqolaal heyadood oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo mar walba baahiya inay mucaawino iyo gar gaar ay u fidinayaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada haysato ayaa hadana waxaan muuqan wax qabad dhab ah oo ay la yimaadeen heyadahaas, Dhanka kale ayaa dowlada Soomaaliya waxay dalalka aduunka ka heshaa lacag malaayiin doolar ah oo loogu talagalay dadkaas dhibaateysan iyadoona sida muuqatana aysan lacagtaas gaarin dadkaas loogu talagalay oo ay ku dhacdo jeebabka shaqsiyaad uga faa'iideysto danahooda gaarka ah islamarkaana aan wax dan ah ka lahayn dadkaas Soomaaliyeed ee dhibaateysan. 





Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog