Yaab: Gabar Aids qabtay Oo doonaysa In ay Kun qof gaarsiiso

Saturday, April 5, 20140 comments

Sida aan kasoo xiganay wargeyska ALAAN ee carbeed, ardayad Kenyan ah da’deedanu tahay 19 jir ayaa qiratay in ay 324 nin qaadsiisay cudurka dilaaga ah ee HIV AIDS, waxa ayna weli ku rajo weyn tahay inay buuxin doonto tirada Kunnaad ( 1,000 ) sida ay hadalka u dhigtay.

Gabadhaan oo dhalashadeeda iyo magaceedaba la qariyay ayaa boggeda Facebook soo dhigtay sida ay ku timid sheekadan argagxa leh iyo weliba sababta kaliftay in ay haligto rag badan, waxa ayna tiri”

22-kii Sebtember 2013 waa maalin aanan hilmaami doonin nolosheyda, maxaa yeelay waxaa AIDS i qaadsiiyay wiil da’yar oo aan calaaqo jinsi na dhex martay, markii aan ka war helay in aan AID qabo, waxaan go’aansadya inaan is dilo, waxana cabay sun badan, balse ma aysan ii suura gelin inaan dhinto, xoogaa kadibna fikirkeyga ayaan bedelay, waxaana go’aan ku gaaray inaan ka aar guto Ragga guud ahaan, isla markaana aan cudurkaan qaadsiiyo Rag badan, hada waxaan marayaa 324 nin oo aan galmo la sameeyay, waxaana ku rajo weynahay inaan kun gaarsiiyo ka hor inta aanan u dhiman cudurka











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog