Daawo: Tartanka koob loogu magacdaray koobka nabada oo maalintii labaad ka socda Dhuusamareeb .

Wednesday, April 16, 20140 comments

Koob lagu taageerayo horumarinta nabadda ayaa maalintii labaad ka socda garoonka kubbadda cagta degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Koobka waxaa ka qeyb qaadanaya lix koox oo ka kala dhisan xaafadaha Dhuumareeb, waxaana soo qabanqaabiyay bahda isbootiga ee degmada oo taageero ka helaya maamulka gobolka Galgaduud.

Afhayeenka isboortiga ee degmada Dhuusamareeb Salaad Aadan Cilmi (Banaadiri) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in koobka ay u dhigeen sidii ay dhallinyarada uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta nabadda.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ay ciyaaruhu ka mid yihiin waddooyinka lagu gaari karo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada, isagoo xusay in kooxdii ku guuleysata koobka ay siin doonaan abaal-marinno ay ku farxaan .

Waa markii ugu horreysay oo tartan noocaan oo kale ah lagu qabto Dhuusamareeb.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog