Wariye kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed oo loo Magacaabay Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne(Magaciisa +Sawir)

Monday, April 14, 20140 comments

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho jen Xasan Muungaab ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Xamar Weyne C/Laahi Sahal Gardhuub iyadoona xilkaasi durba loo Magacaabay Gudoomiyihii badali lahaa.

Sida ay Xog ku heleyso Shabakada newbanaadir.com, Waxaa Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne loo Magacaabay Mid kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed oo in mudo ah ku noolaa Dalka Sudan horeyna ula soo shaqeeyay Warbaahino kala Duwan.



Xilka Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ayaa loo Magacaabay Wariye C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), oo ahaa Nin Wariye ah oo soo bartay Cilmiga Qaanuunka, waxa uuna hada wadaa Shahaadada Master Digree uu ku baranayo Xiriirka Caalamiga.

C/Qaadir Carab ayaa noqonaya Gudoomiyihii ugu horeeyay oo asal ahaan kasoo jeeda Qoomiyada Banaadiriga ee loo Magacaabo Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne , waxaana arintaan si weyn usoo dhaweeyay Bulshada qeybaheeda kala duwan oo sheegay in hada cagta la saaray Wadadii cadaalada.

Maalinta Berito hadii rabi idmo ayaa la filayaa in Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar Weyne uu Xilka si rasmi ah ula wareego , Gudoomiyaha Cusub ayaana lagu tilmaamayaa in uu yahay nin karti u leh Hogaaminta Bulsahada, wax badana ka yaqaan la dhaqanka Dadweynaha iyo maamul wanaaga.

Tan iyo Mrakii uu Xilka la Wareegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Muungaab waxaa socday isbadal lagu sameenayay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana xilka laga qaaday dhoor Gudoomiye iyadoona lagu badalay dhalinyaro wax soo baratay oo inta badan wax kusoo bartay Dalka Sudan.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog