Fanaanada Ifraax Hargaysa xaq miyaa in Nala Cadaadiyo oo nala Xidho anaga oo Fanaaniin ah...

Sunday, April 13, 20140 comments

Fanaanada Ifraax Hargaysa oo dhawaan Xabsiga ay dhigeen Ciidamada Nabd sugida madaarka Hargaysa ayaa qoraal ay soo dhigtay Boga ay ku leedahay Facbook waxa ay ku Cambaaraysay Xarigaa loo gaystay iyada fanaaniin kale.

Waxa ay sheegtay in nasiib daro tahay in Siyaasada iyo fanka Somaliland isku xirnaadaan arintaa ayay ku sheegtay waxaan suuragal marna ahayn waxa ayna sheegtay in xariga loo gaystay uu yahay mid cadaalo daro ah.


Ifraax hargaysa ayaa sheegtay xiliga uu xarigeeda dhacayay in u socotay Magaalada Muqdisho oo dano gaar ah ka lahayd laakiin waxa ay beenisay in ay doonaysay in ay ka qayb gasho Show lagu qaban lahaa Muqdisho.

Aniga Waxaan ahay Fanaan laakiin waxaa Nasiib daro ah in Fankii iyo Siyaasadii isku milanto in qadiyad la raadiyo ma ahan in aad meela kale tagto ee Qadiyada waa niyada ayay tiri Ifraax Hargaysa.

Waxa ay xustay in ay leeyahiin Kooxdooda Xiddigaha Geeska Africa Tageera badan sidaa daraadeedna loo baahan yahay in taageerayaasha meel kasta dunida ka joogaan loogu booqdo balsa taa waxa ay sheegtay in laga hor istaagay.

Ugu danbayntii ayay sheegtay in aysan wax shaqo ah fanaaniinta ku lahayn siyaasad loona baahan yahay in tixgalin la siiyo sidaa daraadeed ayay u sheegtay taageerayaasheeda in ay ka hor yimaadaan falal nuucaan ah.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog