Xarakada Alshabaab oo si aan la filayn uga hadashay saraakiishii Qaramada Midoobey ee Gaalkacyo lagu dilay.

Tuesday, April 8, 20140 comments

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin in saraakiil Caddaan ah oo QM ka tirsan Soomaaliya lagu dilo.

“In gaalo Caddaan ah oo dalkeena ku soo duushay la dilo qof walba oo muslim ah waa ku farxayaa, Weerarka ka dhacay Gaalkacyona waan soo dhaweynaynaa”ayuu yiri afhayeenka oo aan sheegin in weerarkaas ay ku lug lahaayeen iyaga iyo in kale.

Shiikh Cali dheere ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday qofka toogashada u geystay saraakiisha u dhalatay wadamada Ingiriiska iyo Faransiiska ay aheyd mid wanaagsan oo mudan in lagu daydo.

“Nimanka la dilay ee dalalkoodu Soomaaliya ku soo duuleen waa uqalmeen in weerar noocaasi ah lagu qaado oo nolosha la dhaafiyo, Waana soo dhaweynaynaa cid walba oo Gaalada Cadkeeda ka goosanaysa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali dheere.

Afhayeenka ayaa ugu hambalyeeyey shacabka magaalada Gaalkacyo ficilka ay ku layeen saraakiisha QM isagoo carrabka ku adkeeyay in dhankooda ay soo dhaweynayaan cid walba oo Soomaali ah ee soo duulayaasha shisheeye weeraraysa.

“Waxaan soo dhaweynaynaa tallaabada ay reer Gaalkacyo qaadeen qof walba oo Soomaali ah ee gaalada nagusoo duushay tallaab ka qaada ee cadkiisa ka goosta waxa uu doono ha ahaadee bogaadin baan udiraynaa” Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa kula taliyay shacabka Soomaalida ee gudaha ku sugan inay qaadaan weeraro kaligii duulnimo oo ka dhan ah saraakiisha QM.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ka aargoostaan gaalada QM kuwa dalkiina duullaanka u soo horseeday waa iyaga oo cadawgii umadda ayay u sharciyaysay in ay qabsadaan dalkeenna” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog