Fiirso Sawirada Prof. Nuur Diiriye Fursade oo cashar ku saabsan Tiknoloojiyada ka bixiyey Jaamacadda Banaadir

Wednesday, April 9, 20140 comments

Xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay cashar ku saabsan tiknoojiyada casriga ah iyo xogta maamulka ka jeediyey Prof. Nuur Diiriye Fursade oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeedee sida weyn looga tixgeliyo dalka iyo dibeda.

Prof. Fursade oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka maqnaa muddo 24 sano ah ayaa shahaadada Phd ka qaatay Jaamacada Colombus, isagoo ku taqasusay Cilmiga Kombiyuutarka, wuxuuna soo noqday madaxii qeybta Computer Sicence-ka ee Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed intii u dhexeysay sanadihii 1987-1990-kii.

Sidoo kale Prof-ka ayaa hadda waxaa uu la taliye u yahay machadka IT Seneca College ee magaalada Toronto, isagoo ahaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii asaasay sanadihii 80-maadkii machadkii barashada Computerka ee Fursade Ingineering oo ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee dalka laga furo.

Casharka Prof. Nuur Diiriye Fursade uu ka bixiyey jaamacada Banaadir oo ahaa mid kooban hase ahaatee xambaarsanaa aqoon balaaran ayaa wuxuu si faahfaahsan uga hadlay mowduuca ku saabsanaa xogta tiknoloojiyada casriga ah, wuxuuna xusay in aqoonta hadda lagu barto Jaamacadaha ay markeedii hore aheyd xog la ururiyey oo aqoon isu bedeshay.

Waxaa dhegeysiga casharkaas ka qeyb galay masuuliyiinta jaamacada Banaadir iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaas gaar ahaan kuwa hadda dhigta kuliyada xogta Tiknoloojiyada (Information Technology) iyadoo Prof-ku sharaxaad ka bixiyey xogta, qaabka loo ururiyo, sida loo ilaaliyo, loona tayeeyo marxalidihii ay soo martay, sida loo isticmaalo, noocyada Database-yada ugu waaweyn caalamka iyo kuwa dalka laga isticmaalo.

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Banaadir ayaa ugu dambeyn halkaas ka soo jeediyey su’aalo ku saabsan mowduucan iyadoo Prof. Nuur Diiriye Fursade uu si saraaxad leh uga jawaabay dhamaan su’aalihii la weydiiyey.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabadan hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Prof. Nuur Diiriye Fursade casharkaas qiimaha badan ee uu ka bixiyey jaamacada oo uu xusay inuu wax weyn ku kordhinayo aqoonta ardaydii iyo aqoonyahanadii kale ee ka faaiideystay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan isugu nimid dhegeysiga casharkii koobnaa laakiin nuxurka balaarnaa ee uu halkaan nooga soo jeediyey Prof. Nuur Diiriye Fursade oo aqoonyahan Soomaaliyeed oo isaga iyo saaxiibadiis oo hadda Prof. C/raxmaan uu nagala joogo ay ka fureen Muqdisho iskuulkii ugu horeeyey ee lagu barto Computerka ee Fursade, anigoo ka mid ahaa ardaydii Jaamacadii umada ay u dirtay iney iskuulkaas ka bartaan Computerka, wax badana ka kororsaday” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in Prof. Nuur Diiriye Fursade oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay uu doortay inuu casharkiisa ugu horeeya ka bixiyo jaamacada Banaadir, isagoo xusay iney taas ku faraxsan yihiin ugana mahad celinayaan.

Waxaa uu intaa ku daray Dr. Dalmar in jaamacada Banaadir ay tahay Jaamacad balaaran oo ay ku midoobeen aqoonyanadii wax ku soo bartay jaamacadii umadda, ayna aasaaseen aqoonyahano ujeeddadoodu tahay in la horumariyo aqoonta, isagoo xusay iney dhigtaan arday gaareysa 3000 kun oo u kala qeybsan 8 kuliyadood.

“Ujeedada ugu weyn ee Jaamacada maaha in dhaqaale laga abuuro ee waa inaan abuurno aqoon tayo leh, taasna waxaa ka markhaati ah in Jaamacada Banaadir ay tahay mida kaliya dalka ee lagu soo galo imtixaaan lagu saxo ugu yaraan %60” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in kuliyadda Information Technology (IT) oo ka mid ah kuliyadaha Jaamacadaas ay hadda wax ka bartaan arday fara badan, kuwa kalena ay horey uga qelin jebiyeen, kuwasoo uu xusay iney haatan ka shaqeeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee dalka oo dhan, iyo heyadda fara badan.

Waxaa uu xusay Dr. Dalmar in Jaamacada Banaadir ay farxad u tahay iney sanadkan gudihiisa ku talo jirto bilaabida levelka labaad ee Computer Sicence ee masterka oo Jaamacadaas ka dhigaya tii ugu horeysay ee u gudubta dalka oo dhan, isagoo xusay in mudada Prof. Nuur Diiriye Fursade uu joogo dalka uu jaamacada Banaadir gacan ka siin doono tayeynta iyo horumarinta aqoonta uu ku taqaqusay.

Waxaa sidoo kale munaasabadas ka hadlay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah asaasayaasha Jaamacada Banaadir ahna xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia, isagoo ka waramay faaiidada ay casharada noocan ah ee ay bixiyaan khabiirada u leeyihiin ardayda.

“Dhegeysiga casharada noocan ah waa kuwo aad u qiime badan oo heer caalami ah, waxa loo tagaa dibedaha, qarash baa ku baxa hotelaa loo kireystaa, waxayna taas ku tusinaysaa muhiimada ay leeyihiin si looga faaiideysto aqoonyahano sare sida Prof. Nuur Diiriye Fursade oo kale, waana uga mahadcelineynaa isaga iyo gudoomiyaha Jaamacada Dr. Dalmar oo isna had iyo jeer isku howla sidii aqoonta ardayda wax ka barata jaamacada ay ula jaanqaadi laheyd mida casriga ah” ayuu yiri Prof. Dufle.





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog