Fiirso Wiilka Qanyare Oo doonaya In uu afka marsado dhulka garoonka Dayniile-DAAWO DAGAAL SOCDA

Thursday, April 3, 20140 comments

Dadweynaha iska leh dhul ku yaalla degmada Dayniile, oo uu Cabdi Weli Qanyare isku dayayo inuu dhaco, ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay kaga digayaan qorshahaas.

Shirka jaraa’id, oo laga sii daayey Universal TV, ayaa waxa ay ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka uga digayeen inaysan ku kadsoomin falka boobka ah ee Cabdi Weli Maxamed Qanayre.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Cabdi Weli Qanyare uu toddobaadkii tagay wasiiro ka tirsan DF geeyey dhulkan ku yaalla Dayniile, oo hadda ka hor uu dhacay aabihiis Maxamed Qanyare Afrax, balse laga soo celiyey markii ay maxkamadaha islaamiga ah qabsadeen Muqdisho.

Waxa uu Cabdi Weli Qanyare u sheegay wasiirada DF inuu doonay inuu dib u furo garoonkaas, si uu magaca dowladda ugu dhex qariyo qorshihiisa dhul boobka.

Dadkii ka hadlay shirkan jaraa’id, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Barrey Siid Cali iyo Ismaaciil Maxamed Siid Cali, oo dhulkan wax ka leh, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhul boobka uu wado Cabdi Weli Qanyare.

Waxa ay dowladda Somalia u sheegeen inay suurta gal ahayn in Cabdi Weli Qanyare uu mar kale dib u xoogay dhul aabihiis laga soo ceshtay, ayaga oo maamulka gobolka iyo guddoomiye Muungaab ka codsaday inay arrinta soo fara-geliyaan.

Waxa ay sheegeen in dhulka yahay mid sharciyeysan ayna haystaan waraaqadaha milkiyadda dhulka, ayna nafta ag dhigi doonaan, una dhiman doonaan si ay Cabdi Weli Qanyare isaga dhacshaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog