Garoonka Kubada Cagta Waamo Stadium oo Sanado badan kadib dib u dhis iyo Casriyeyn lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Sunday, April 6, 20140 comments

Garoonka Kubada Cagta Waamo Stadium ee Magaalada Kismaayo ayaa mudo sanado badan kadib ,waxaa dhawaan lagu bilaabay dib u dhis iyo Casriyeen , waxaana Qarashka ku baxaya dib u dhiska Garoonkaasi bixisay Dowlada Ingiriiska .

Injineero Soomaali ah ayaa hada wada dhib u dhiska iyo casriyeenta Garoonka Kubada Cagta ee Waamo Stadium , oo bur bur xoogan uu soo gaaray waxii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladii Dhaxe ee Soomaaliya.

Garooka oo hada dhismaha kasocdo uu marayo heer gabo gabo ah waxaa booqday Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubba ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo , waxaana Masuuliyiintaasi ay indhahooda kusoo arkeen dib u dhiska kusocda Garoonka Waamo Stadium.

Xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose Axmed Faarax Taqal (TimoJilic) ayaa uga warbixiyay Xaalada Garoonka Masuuliyiinta Maamulka Jubba ee kor meertay Garoonka, waxa uuna ka codsaday Maamulka Jubba in laga gacan siiyo dhameestirka dib u dhiska Garoonka oo hada reer gabo gabo ah maraya.

Garoonka Waamo Stadium oo ah garoonka ugu Weyn ee Gobolka Jubada Hoose ayaa kamid ahaa Garoomo badan oo kubada cagta Dalka Soomaaliya lagu ciyaari jiray oo ku bur buray Dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay , Waxaana wali bur bursan oon dayactir helin Garoonka Kubada Cagta ee ugu weyna Soomaaliya Stadium Muqdisho.


ugu horeyn gudoomiyaha uga warbixiyay howlaha dayactirka ah ee lagu sameeyay garoonka Kismaayo, wuxuuna sheegay in howsha dhismaha ay imika mareeyso heer gebogebo ah, wuxuuna ka dalbaday gudoomiyaha in gacan laga siiyo sidii ay u dhameystiri lahaayeen waxyaalaha ka dhiman garoonka.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog