Xildhibaankii Booska u baneeyay Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Shaaciyay in uu is casilay!!

Thursday, April 3, 20140 comments

Qaar Ka mid ah warbaahinta muqdisho ayaa shalay Baahisay xog ku aadan in Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) uu kamid noqonayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu booska u baneeyay Xildhibaan ay isku heeb yihiin.

Sida aan baahinay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xirsi (Qorrax) oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xubninimadiisa Baarlamaanka si hoose ugu wareejiyay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxa uuna Xildhibaanka Booska Wareejiyay hada uu shaaciyay in uu ka baxay Baaralmaanka.

Kadib markii aan Baahinay Xogta ku aadan in Xildhibaan Maxamed Qorax uu Xilka Xildhibaanimo ku wareejiyay Cabdi Faarax Sheyrdoon , ayaa durba waxaa Idaacada BBC-da la hadlay Xildhibaan Qorax waxa uuna sheegay in uu Iska casilay kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Iscasilaada Xildhibaanka hada ku dhawaaqay oo u muuqata mid Siyaasadeed, ayuu sheegay in kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya uu uga tagay arimo dhoor ah ay ugu horeeso Dowlada Soomaaliya oo ku fashilmatay Howlihii loo igmaday sida uu tilmamay.

Xildhibaan Qorax oo kusugan Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ,ayaa xusay in Odayaashii markii hore u doortay in uu Baarlamaanka u matalo hada uu ku celiyay Xubanimadii Baarlamaanka kuna war galiyay Cidii ay rabaan in ay u dhiibtaan.

Waxaa Soo baxayay Warar Sheegaya in Xildhibaan Qorax uu Booska Xildhibaanimo ku wareejiyay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) , waxaana taa badalkeeda Xildhibaanka Booska Baneeyay isna la siiyay lacag aan cadadeeda rasmiga ah la shaacin.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog