Laacibka qadka dhexe lakiin daafaca uga ciyaara Barcelona Javier Mascherano ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore eeLiverpool.
Javier Mascherano ayaa ka tagay Liverpool 2010 isagoo ku biiray kooxda Barcelona lakiin laacib kaan ayaa inta badan laga ciyaarsiiyaa booska difaaca maadama uusan boos joogto ah ka helaynin qadka dhexe ee Barcelona.
Daily Mirror ayaa shaaca ka qaaday in kulanka Barcelona ay marti qaadi doonto Atletico Madrid uu yahay kan ugu danbeeyo ee Mascherano uu u ciyaaro Barcelona maadama uu san raaxo ku dareemayn joogitaanka Barcelona sida uu sheegay wargaysku.
Heshiiska uu Javier Mascherano kula jiro Barcelona wuxuu ku egyahay June 2015 waxaana lagu heli karaa kaliya 9 milyan oo Ginni lakiin Liverpool ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda Napoli oo uu joogo tababarihii sii hore ee Rafa Benitez.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com