Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood kadib waxa ay maanta Codka Kalsoonida u qaadeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Mooshin ka keeneen.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, oo Baarlamaanka ka hadlay kahor inta aan codka loo qaadin ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu saxo Qaladaadka yar ee dhankiisa ka jira.
Wasiirka ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya in ay codka Kalsoonida u qaadaan , waxa uuna muujiyay in uu kalsooni ku qabo Baarlamaanka Soomaaliya uuna ku dadaali doono hadii uu codka helo in uu saxo Qaladaadka ka jira Wasaaradiisa.
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa ka dalbaday Baarlamaanka in ay codka Kalsoonida u qaadaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka , waxaana Madasha Baarlamaanka maanta xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 144-Mudane.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay natiijada Codeynta Baarlamaanka waxaana Wasiirka Arimaga Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya taageeray in uu sii shaqeeyo una codeeyay Xildhibaano gaaraya 115-Xildhibaan , waxaa diiday in uu sii shaqeeyo Wasiirka 18-Xildhibaan waxaana ka aamusay 11-xildhibaan oo kaliya.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, oo markii uu kalsoonida helay kadib hadlay ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka kuwa u codeeyay iyo kuwa diiday intaba , Wasiirka ayaana Xarunta Baarlamaanka ka tagay isaga oo faraxsan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com