War Deg Deg Ah Diyaarado Dagaal oo Goordhaw Duqeyn ka geestay Degmada Jilib

Sunday, May 18, 20140 comments


Wararka aan goordhaw ka helnay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in saacado yar kahor Diyaarado dagaal duqeyn culus ka geesteen Degmada Jilib ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno Diyaaradaha Duqeymaha geestay oo ahaa nuuca loo yaqaan Miiga ayaa la sheegay in marka hore ay dul mareen kadibna ay duqeyn culus ku garaaceyn qeybo kamid ah Degmada Jilib.

Duqeynta Diyaaradaha geestay xoogeeda ayaa ka dhacday Duleedka Degmada Jilib , Dagaalyahanada Al-Shababa ayaa dhankooda Diyaaradaha duqeynta geestay waxa ay ku rideen Qoryaha Lidka Diyaaradaha .

Wali lama shaacin wax qasaaro ah oo ka dhashay Duqeynta goordhaw Diyaarado loo maleenayo in ay leedahay Dowlada Kenya ka geesteen Degmada Jlib oo kamid ah Degmooyinka Muhiimka ah ee wali gacanta ugu jira Al-Shabaab.


kala soco warar keena danbo waxiiku soo kordhaa  insh alaaah


_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog