Bayern Munich Oo Ku Guulaysatay German Cup Kadib Markii Ay Garaacday Borussia

Sunday, May 18, 20140 comments


Bayern Munich ayaa ku guulaysatay German Cup markeedii 17 aad caawa kadib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda ay aadka u tartamaan ee Borussia Dortmund.

Waa markii 10 aad oo Bayern Munich ay hal xili ciyaareed kuwada guulaysato Horyaalka iyo German Cup.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay waqtigii loogu talo galay 0-0 lakiin waxaa jiray muran ka dhashay kubad uu madaxeeyay daafaca Borussia Mats Hummels lakiin Dante ayaa kubada ka soo bixiyay xariiqda taas oo ku celiskii lagu arkay inay dhaaftay xariiqda.

Labada kooxood ayaa is weeraray lakiin ugu danbayntii waxba iskama dhalin taas oo keentay in lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah, Robben ayaa 1-0 ka dhigay ciyaarta daqiiqadii 107 kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu soo qaaday Jerome Boateng lakiin difaacyada Borussia ayaa awoodi waayay inay iska fogeeyaan kubada taas oo keentay inuu gool u badalo Robben.

Marco Reus ayaa u soo dhawaaday inuu u bar bareeyo lakiin fursad halis aheed ayuu ka qasaariyay kooxdiisa ka hor inta uu san Thomas Muller dhalin goolka 2aad ee Bayern Munich kadib kubad halis aheed oo uu ka helay Claudio Pizarro isagoo ka tagay gool hayaha kadibna shabaqa dhex dhigay kubadda.

Bayern Munich ayaa sidaas ugu guulaysatay koobka German Cup sanad kii labaad oo isku xiga, waana koob kii labaad ee Guardiola uu u qaado Bayern Munich sanad kaan 2014.





qoraa Slahver
18/May/2014


______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog