Ciidanka Malaysia oo qabtay Nin Soomaali oo la sheegay in uu ka tirsan yahay al-Shabaab

Friday, May 9, 20140 comments

Booliska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin Soomaali oo ay ku tilmaameen in uu ka tirsan yahay Ururka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Ninkaan oo aysan shaacin magaciisa balse da’adiisu ku sheegeen 34-sano ayaa laga qabtay shalay (khamiis) magaalo ku taalla duleedka caasimadda Kuala Lumpur ee la yiraahdo Selangor.

Mid kamid ah wargeysyada ugu caansan dalka Malaysia oo daabacay warbixintan oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliska ayay ku sheegeen ninkaan in ay raadinayaan Booliska adduunka ee Interpol, isla markaana loo haysto kiisas la xiriira argagixiisnimo.

Waxaana sidoo kale loo haysta in uu ku lug lahaa howlo argagixiisnimo oo  ka dhacay Bariga Afrika.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan kooxda al-Shabaab ay si dhuumaleysi kusoo galaan wadanka iyagoo iska dhigaaya arday iyo dalxiisayaal.

Taliye kuxigeenka Booliska Datuk Seri Maxamed Bin Bakri ayaa wacad ku maray in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigi doonaan xubnaha kale ee al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihin gudaha wadanka.

Dalka Malaysia waxaa ku nool Soomaali ka badan 2000 qof oo ay u joogaan siyaabo kala duwan, balse u badan yihin arday wax ka barata jaamacadaha ku yaalla wadanka.

Waxaa hore Malaysia u joogay oo ku nool qoysaska saraakil sar sare oo ka tirsan Ururka al-Shabaab.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog