Ciidamada Nabad Sugida Degmada Dharkeenley ayaa lagu eedeeyay in ay dileen Nin wariye ahaa kana soo shaqeeyay Idaacado kuyaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose,
Wariyaha la sheegay in la dilay oo lagu Magacaabo Farxaan Macalin Maxamuud ayaa ka yimid Magaalada Kismaayo, waxa uuna mudooyinkan ku sugnaa guriga nin ay qaraabo dhaw yihiin ,iyadoona hada soo baxayaan in la dilay.
Nin Ehel la ah Wariyaha la dilay oo lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegay in ay qabteen Farxaan Ciidamada Nabad Sugida Daraad galab , waxa uuna intaa raaciyay in la geeyay Saldhig kuyaala Degmada Dharkeenley markii ay kadaba tageena lagu wargaliyay in aan la tuseen uu Wariyuhu yahay nin Shabaab ah.
‘’ Waxaan kuu xaqiijinayaa in Ciidamada ay Wiilka noo diideen in aan aragno, waxa ayna nagu wargaliyeen in ay dileen , mahayno xitaa meydkiisa oo weyn noo diideen , waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlada in ay arintaan dabagalaan oo sharciga lala tiigsadao ragii ka dambeeyay falkan , waa nasiib daro in Qof walbo qofkii doono uu iska xirto hadana uu dilo ‘’ ayuu yiri , Maxamed Ibraahim Cabdulle.
Maamulka Degmada Dharkeenley ayaa ka gaabsaday ka hadalka falkan la sheegay in ay geesteen Ciidamo katirsan Nabad Sugida Degmadaasi , mana jiro ilaa hada wax war ah oo xaqiijinaya geerida Wariyaha ama beeninaya oo kasoo baxay Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com