DARAASAD CUSUB: Ninka Taajirka Ah Iyo Ninka Aan Dhaqaalaha Badan Haysan Keebaa Ku Waanagsan Qancinta Dumarka Dhanka Gogagasha

Wednesday, May 21, 20140 comments

Waxa laga yaabaa in aad ku riyaoonayso nin ku siiya wax kasta oo aad jamato ama doonto. Hadaba iska ilow oo raadso ninka dhabta ah.

Hadii aynu nahay xaawaley ayaa waxa aan ku riyoonaa nin taajir ah oo wax kasta oo aan rabno noo gada, na siiya hadyado qaali ah
oo qurux badan. Laakiin inta badan ma helaan ninkaas. Waxaba fiicnayd in aanad nin taajir ah helin, sababtoo ah raga aan dhaqalaha badan lahayn ayaa ka fiican ka lacagta badan leh.

Waxa shabakada Womens Health soo daabacday in uu yir profeser Adam Galinsky oo wax ka dhiga Northwestern University ee Chicago. “Raga aan haysan lacag badan ayaa ka dhigi kara haweenkooda kuwa farxad ku nool. Sababtuna ay tahay in lacagta iyo darajada ay inta badan ka dhigaan raga kuwa aan daacad ahayn oo dhaqan fiicnayn.”

Gogol dhaafka: Waxa ay shabakada womens health daabacday in baadhitaanka la sameeyay lagu ogaaday in raga lacagta yar haystaa ay ka sariir dhaaf yar yhihiin kuwa lacagta badan haysta. Waliba waxa ay daraasadu oo ay newbanaadir.com soo turjuntay sii sharxaysaa in ay laba wajiile yihiin raga ladan marka ay tahay daacadnimada jacaylka.

“Raga darajooyinka sar sare haystaa ayaa inta badan ah kuwo gogol dhaafa laakiin cambaareeya kuwa la midka ah ee sariir dhaafka sameeya, sababtuna ay tahay darajadooda darteed in ay dareemayaan in ay qasab ku tahay cambaarayntu.” ayuu yiri Adam Galinsky

Saaxiibada ayaa ka hela ninka aan ladnayn: Raga dhaqaalaha yar leh ama dabaqada dhexe ayaa si ka fiican kuwa taajiriinta ula kulma dadka, sidaana waxa laga soo wariyay maqaal ka soo baxay Psychological Science. Marka la darsay qoraa ayaa waxa la arkay in kuwa aan sidaa u lacag badnayn ay kaga fiicann yihiin la xiriirka dadka ayna aqoon kuwa lacagta leh oo isla wayni iyo
neerfos badan qaba.

Qoraaga buuga Born to be good,Dacher Keltner ayaa waxa uu ku qeexay arinta qorayaasha aan ladnayn in ay dadaal badan sameeyaan si ay u helaan dad badan oo ay yaqaanaan. Halka qorayaasha dhaqaalah badan lehi ay ka aaminsan yihiin in ayna cidna u baahnayn.

Ninka dhaqaalaha yar waxa uu ka caawiyaa xaaska hiigsigeeda: Raga aan lacagta badan haysan ayaa waxa waxa loo arkaa kuwa aan ahayn sexy – soo jiidasho lahayn. Jaamacada Beth Livingstone ee Cornell ayaa ku doodaya in raga lacagta lehi ay yihiin rag adag oo aaminsan in ay tahay masuuliyadooda in ay masruufaan qoysaskooda. Laakiin kuwa aan dhaqnayn ayaa inta badan caawiya xaasaskooda marka ay
hiigsanayaan horumar.

“Lamaanayaasha is caawiya si ay u gaadhaan hiigsiga in ay heer sare ka gaadhaan xirfada ay leeyihiin ayaa ah kuwa farxad ku nool” ayay yiri qoraaga Joshua Coleman ee Marriage makeover.

Raaxo badan: Ninka aan lacag badan haysani waxa uu badinayaa dadaalka sariirka si uu u qanciya xaaskiisa. Waxa uu isku dayayaa in uu raali galiyo xaaskiisa si ayna uga tagin ayay sheegtay qoraaga Bethany Marshall ee buuga Deal Breakers.

Kol hadii aanu haysan lacag badan oo uu ugu raaxeeyo waxa uu iskud xooga saarayaa in noqdo mid ku fiican sariirta ayay waliba sheegtay
Source: Womens Health











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog