Daawo Sawirada:-Boko Haram oo Soo Bandhigtay 200 oo Gabdhood oo ay Nigeria ku Afduubteen

Tuesday, May 13, 20140 comments

Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria  ayaa soo bandhigtay 200 oo gabdhood oo ay dhawaan ka afduubteen iskool ku yaalay waqooyiga dalkaasi.
Afduubka gabdhahan oo caalamka soo jeedisay ayay kooxdu waxa ay sheegeen in dhamaantood la islaamiyay islamarkaana ay badqabaan.
Waxa ay sheegeen in sii deynta gabdhahan ay ku xiran tahay in marka hore lasii daayo ragga Boko Haraam ka tirsan ee xabsiyada ugu jira Dowladda Nigeria .
Kooxda Boko Haram ayaa dhowr jeer waxa ay ku hanjabeen in ay iibindoonaan Gabdhahaan hadii aan la yeelin Dalabka ay soo jeediyee,waana markii ugu horeeyey ee Muuqaalkooda la arko Gabdhahaan oo dhawaan ay afduubteen kooxda Bako Haram.






Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog