Hadaba Nuxurka Qodobaddan ay soo saareen Quburada Shabakadaan ayaa iddiin soo koobaya waxa ay kala tihiin sidatan.
1-Noocyo Kamid Ah Dareennada Jaceylka Ee La Wadaagayo:
Inta badan haweenku waxay doorbidaan inay si waji furan ula hadlaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaanay si sahlan u samaystaan asxaab ay la wadaagaan dareenka waxa ay ka hadlayaan iyo xidhiidhadoodda, laakiin raggu aad ayay
ugaga duwan yihiin dumarka arrintaa mana jecla in ay u soo bandhigaan dumarka dareenkooda, taas oo dumarka qaar ay ku adkaato in ay jawaab u helaan ama ay fahmaan sababta aarintan keentay.
2. Noocyadda Xidhiidhadda
Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu ka hadli waayaan in ay cabiraan dareenkooda ku saabsan xidhiidhada ay la yihiin dumarka, maxaa yeelay haweenku waxay jecel yihiin in ay kala ogaadaan dib u dhaca iyo horomarka ku yimaada xidhiidhada ay la wadaagaan ragga, dhinaca kale raggu waxay doorbidaan oo ay iska ilaaliyaan in ay dumarka kala hadlaan xogaha ku saabsan xidhiidhada ka dhexeeya.
3. Bahdilaadda Ama Xaqiraadda
Dumarku waxay aad u karahsadaan ragga iska indho tira haweenka ee aan siinin wax wax taxadar ah, waxaanay si gaar ah dumarku u jecel yihiin ragga ahmiyada sida gaarka ah u siiya ee u hura wakhtigooda kana sheekeeya sida ay u arkaan xiodhiidhada jacayl ee ka dhaxeeya lamaanaha. La qaata wakhti ay u waramaan dareenka gaarka ah.
4. Amaanta Gabadh Kale Oo Aan Iyadda Ahayn
Dumarku waxay aad u neceb yihiin in ay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo amaanay gabadh kale oo aan iyada ahayn.
5. Muranka Iyo Beenta
Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu been u sheegaan sababtoo ah ragga intiisa badani waxay aaminsan yihiin in dumarka been loo sheego si ay u soo xero galiyaan oo ay u hantiyaan qalbiyadooda.
6-Uskagga Iyo Nadaafad Darada
Dumarku waxay aad u karahsadaan ninka nadaafada xun, waxaanay jecel yihiin in ay indhahoodu arkaan nin labisan oo ay nadaafadiisu fiican tahay jidh ahaan iyo labis ahaanba.
7. Dumarkii Hore Ee Aad Xidhiidhadda Yeelateen
Ma jecla dumarku inay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo ka sheekaynaya tirada dumarka uu la soo qaatay xidhiidhadho hore iyo noocyada dabeecadahoodaba.
8. Jaangoynta Qorshayaasha Mustaqbalka
Haweenku waxay jecel yihiin ninka samaysta ama qorsheeya jaangoynta nolosha mustaqbalkiisa had iyo jeerna kala tashada sida ay noqonayso noloshiisa mustaqbalku.
9. Ka Daba Shaqaynta Iyo Kaantaroolidda
Dumarku waxay ka diiqadoodaan ninka adadag ee had jeer isku daya in uu cabudhiyo ama kaantaroola ee jecel in wax waliba ay u dhacaan sida uu doonayo. Dumarku waxay jecel yihiin in ay noqdaan hogaamiye jecel kasbashada dhagaha ninka.
10- Shakigga Iyo Kalsooni Daradda
Dumarku ma jecla ninka had jeer isku daya in uu ilaaliyo ee isku mashquuliya in uu ogaado talaabo kasta oo ay qaadayso, iskuna taxalujiya in uu ogaado cid kasta oo ay la hadlayso,
taas oo ay dumarku u arkaan kalsooni daro ninka la soo gudboonaatay.
W/Q Maxamed Sadiiq (Super Boy)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com