Dowlada kenya oo Raaligelin Ka Bixisay Xariga Qunsulka Safaarada Somalida Ee Magaalada Nairobi

Tuesday, May 13, 20140 comments


Dowladda Kenya, ayaa waxay iminka raaligelin ka bixisay xarigii 25-kii bishii April Magaalada Nairobi loogu geystay Siyaad Maxamuud Shire, Qunsulka Safaarada Somalida ee Magaalada Nairobi.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa warqadaan u soo dirtay dhigeeda Somaliya, waxayna ku muujisay sida ay kaga xun tahay xariga Ciidamada Boolisku u geysteen Qunsulka.

Amb. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa waxa uu maanta dib kaga hawlgalay Xafiiskiisa Magaalada Nairobi, markii uu dib ugu laabtay laba toddobaad kadib.

Safiirka oo arrintaan ka hadlaayay, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya si diiran u soo dhoweysay raaligelinta ay Dowladda Uhuru Kenyatta ka bixisay xarigii Qunsulka.

Marba haddii Kenya raaligelin u jeedisay dhigeeda Soomaaliya, ayaa waxa uu ku waramayaa in xariga Qunsulku aanu hoos u dhac ku keeni karin xiriirka labada dal.

Soomaaliya, ayaa Safiirkeeda Kenya u yeeratay, si su'aalo looga weydiiyo waxa keenay xariga Kenya u geysatay Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Magaalada Nairobi.




by,,,, mr heyle.,,,,,,,





_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog